”Xaafado dhan ayaa badda ku darsamay!” – Geerida Libya oo 3 laab kusii dhow intii markii hore la sheegay (Daawo)

0

(Muqdisho) 13 Sebt 2023Daadadka masiibada ah ee ay keentay duufaan xoog leh oo ka timid dhanka badda Mediterranean-ka oo lagu magacaabo Daniel ayaa burburisay biyo-xireenno waxayna badda ku daadisay dhammaan xaafado dhan oo ku yaalla Liibiya Isniintii, haatanna geeridu waxay maraysaa ugu yaraan 5,300 oo qof, sida lagu sheegay qiyaasta ugu dambaysey ee dowladda.

Warbaahinta ay maamusho dowladda ee LANA ayaa soo werisay Talaadadii in tirada dhimashadu ay korortay sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay sheegtay in dad lagu qiyaasay 10,000 weli la la’yahay.

Ilaa 6,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu la’yahay magaalo xeebeedka Derna ee woqooyi bari Liibiya oo qura.

Duufaantan ayaa sababtay inay dumaan laba biyo-xireen, taasoo keentay in biyihii ka fakaday ay ku yaacaan waadi ku jeeda Derna, halkaasoo ay horay ugu da’een roobab mahiigaan ah.

Dhismayaal badan oo magaalada ah, oo ay ku jiraan xaafado dhan, ayaa waxaa qaaday daadadka. Derna waxa ku nool ilaa 125,000 oo qof.

Hadalsame Media