Somalia oo laga saxiixay heshiis ay diidanayd intii ay xorta ahayd & Qofka saxiixa ogolaaday

0

(New York) 12 Sebt 2023 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 8-dii Sebtembar saxiixday heshiiska lagu mamnuucayo hubka Nukliyeerka, taasoo haatan tirada dalalka saxiixayaasha ah ka dhigaysa 187.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay heshiiskana Somalia u saxiixay Abuukar Daahir Cusmaan oo ah Ergayga joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobey oo wax ku saxiixay magaca dalkiisa iyo David Nanopoulos oo ah madaxa qaybta heshiiskan ee xafiiska arrimaha sharciga ee Qaramada Midoobey.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia, Abshir Cumar Jaamac Huruuse uu ballanqaaday inuu saxiixayo heshiiskan furitaankii heerka sare ee madashii CTBT ee Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Vienna 19 June 2023.

Munaasabaddan oo labadii sanaba mar la qabto ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 2,000 cilmi-baarayaal, saynisyahanno, tignoolajiyadyahanno, aqoonyahanno, xubnaha bulshada rayidka ah, iyo wakiillada Saxiixayaasha Dowladaha ee adduunka oo dhan.

“Waan fahamsan nahay in saxiixa CTBT uusan ahayn tilmaan astaan ah oo keliya balse uu daliil u yahay sida ay nooga go’an tahay nabadda iyo ammaanka caalamka.” ayuu xilligaa yiri Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Somalia.

Robert Floyd, oo ah Xoghayaha Fulinta ee Ururka Caalamiga ah ee Mamnuucidda Tijaabada Nukliyeerka (CTBTO), oo u safray Soomaaliya bishii Febraayo 2023-kii, ayaa sheegay saxiixida heshiiskan in waddanka Somalia uu codkiisa ku darayo baaqa caalamiga ah ee joojinta tijaabada nukliyeerka. .”

Lama yaqaan waxa ay Somalia ku bedelatey saxiixa heshiiskan iyo sababta ay haatan muhiim u tahay in Somalia lagu dirqiyo saxiixa heshiis ay diidanayd 70 sano oo ay xor ahayd.

Hadalsame Media