KA FAA’IIDAYSO! Faa’idada RAQAYGA iyo Cabitaankiisa & Xilliga ugu fiican isticmaalkiisa?

0

(Moscow) 12 Sebt 2023Raqayga ama xamarta waa miro leh dhadhan macaan iyo dhanaan isku jira kuwaas oo ka baxa inta badan deegaannada ay Soomaalidu degto.

Raqaygu boqolkiiba 18% waa aashito gaar ahaan nooca liin dhanaanta, waana waxa u yeelayo dhanaanka saa’idka ah.

Miraha raqaygu waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin C, fitamiin B, kalsiyaam, xadiid, potassium, manganese iyo faybar. Sidoo kale waxaa raqayga ku jira maaddooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah hurka iyo sunta, wuxuuna dawo iyo hortagba u yahay cillado badan oo caafimaad. Waxaa kaloo raqayga ku jira walxaha “lupeol” “polyphenols” kuwaas oo la dagaallama bakteeriyada, fayraska iyo jeermiska fangaska.

Hoos u dhigista heerka kolestaroolka:

Raqaygu waxa uu qani ku yahay walxaha sunsaarista iyo maadada faybar, wuxuu uroonyahay caafimaadka wadnaha isagoo hoos u dhiga dufanka kolestaroolka oo halis ku ah xididada wadnaha.

Difaaca jirka:

Waxaa raqayga ka buuxa fitamiin C iyo maadooyinka sunsaarista, wuxuu xoojiyaa awoodda difaaca jirka wuxuuna ka hortagaa infekshannada.

Lalabada:

Raqaygu wuxuu yareeyaa lalabada, wuxuuna ka hortagaa mataga, wayna cuni karaan dumarka walaca ah.

Ka hortagga kansarka:

Raqaygu waxa uu hodan ku yahay walxaha jirka sunta ka saaro, waxaa kaloo raqayga ku jirta aashitada “tartaric” taas oo jirka ka ilaaliso waxa loo yaqaanno “free radicals” kana hortagta koriimada unugyada kansarka.

Koontaroolista cadaadiska dhiigga:

Waxaa raqayga ku jira macdanaha xadiidka iyo potassium, wuxuu uu caawiyaa kantaroolista cadaadiska dhiigga iyo soo saarista unugyada dhiigga cas.

Xakamaynta sonkorta dhiigga:

Raqayga wuxuu kaalin mug leh kaa qaataa xakamaynta heerka sonkorta dhiigga. Cabista hal koob oo cabitaanka raqayga ah waxa ay caawisaa kantaroolista sonkorowga.

Dheefshiidka:

Raqaygu wuxuu hodan ku yahay ganka loo yaqaanno “dietary fibre”, oo u fiican cunno shiidista, wuxuuna yareeyaa dibbirada iyo hawada badan, amateetkana qofka wuu ufuraa. Sida oo kale raqaygu waxa uu ka hortagaa calool istaagga.

Raqaygu waxaa si dhakhso ah baabi’iyaa oonka ama harraadka waana sababta ummado badani ay u isticmaalaan cabitaankiisa xilliga ramadaanka.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media