Kim Jong Un oo la xaqiijiyey inuu dal kale booqasho naadir ah ku tegayo (Muxuu raacaa marka uu baxayo?)

0

(Moscow) 11 Sebt 2023Xukuumadda Moscow ayaa xaqiijisay kulan la qorsheeyey inuu magaalada Vladivostok ee dalka Ruushka ku dhexmaro Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ee Kim Jong Un, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay aqalka Kremlin-ka.

Kremlin-ka ayaa ku sheegtay boggeeda rasmiga ah in Kim “uu booqasho rasmi ah ku tegi doono Ruushka maalmaha soo socda “uuna la kulmi doono Putin “isagoo casuumad” ka helay hoggaamiyaha Ruushka.

Wargayska New York Times ayaa ka warbixiyey kulankan todobaadkii hore, isagoo sheegay in Kim uu qorshaynayo inuu Putin kala xaajoodo saadka hubka. Kim aad bay u yar tahay inuu ka tago Kuuriyada Woqooyi laakiin marka uu tago, wuxuu ku socdaalaa tareen gaashaaman.

Maanta, waxaa jirey warar sheegaya in Kim uu Pyongyang ka raacay tareenkiisa gaashaaman, kuna sii jeeday xuduudka, balse lama xaqiijin warkaasi.

Hadalsame Media