XOG: Maraykanka oo si qarsoodi ah u qorshaynaya inuu dalka Ukraine siiyo gantaalaha riddada dheer (Yaa kashifay?)

0

(Washington DC) 11 Sebt 2023 – Go’aan uu Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden uu ugu dirayo gantaalaha riddada dheer ee ATACMS dalka Ukraine ayaa “wuxuu iman karaa dhowaan,” sida uu sarkaal sare oo ka tirsan dowladdu u sheegay Financial Times. Warar kale ayaa sheegaya in go’aankaasi horay loo gaarey.

“Waxba kama saarayno meesha,” ayuu yiri ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka, Jon Finer, oo sidaa u sheegay suxufiyiinta Axaddii. “Ma hayno go’aan aan ku dhawaaqno hadda, laakiin mawqifkeennu wuxuu ahaan doonaa inaan Ukraine siinno awoodaha u suurtagelinaya inay ku guulaysato goobta dagaalka.” ayuu raaciyey.

In kasta oo hadalka Finer keligiis uusan matalin isbeddel ku yimid siyaasadda Aqalka Cad, misna saraakiil is qarinaysa ayaa sheegaya in Madaxwaynuhu ku dhowaanayo inuu “ku dhawaaqo” inuu saxiixayo siinta gantaalaha ATACMS dalkaasi, sida ay Financial Times werisay Axaddii.

“Go’aan ayaa dhowaan iman kara,” ayuu sarkaal sare u sheegay wargayska. Laba maalmood kahor, sarkaal kale oo aan la magacaabin ayaa isna u sheegay ABC News in “[gantaalahani] ay soo socdaan.”

Washington ‘closer’ to sending longer range missiles to Ukraine – FT

Hadalsame Media