Haweenka Ukraine oo lagusoo rogayo xayiraad horay ragga u saarnayd (Aqoon laga rabo inay leeyihiin?)

0

(Kyiv) 11 Sebt 2023 – Dhammaan haweenka reer Ukraine ee haysta waxbarashada caafimaadka ama dawooyinka waxaa lagu waajibin doonaa inay iska diiwaangeliyaan ciidamada laga bilaabo bisha soo socota, sida uu sheegay wakiilka Baarlamanka ee Madaxwayne Vladimir Zelensky, Fyodor Venislavsky.

Mas’uulkan oo sidoo kale xubin ka ah Guddiga Baarlamanka ee Verkhovna Rada oo qaabilsan arrimaha amniga qaranka, ayaa sidoo kale xusay in dhammaan haweenka aqoontan leh laga mamnuuci doono inay u safraan dibedda marka ay isdiiwaangeliyaan.

Venislavsky ayaa sidoo kale farta ku godey in tallaabadani ay timid kaddib wax ka beddel lagu sameeyey baarlamanka Ukraine gaar ahaan sharciyada abaabulka ciidanka dalkaas sannadkii hore, kaasoo u oggolaanaya in dumarka loo diiwaangeliyo millateriga.

Venislavsky noted that the move comes following amendments that were made by the Ukrainian parliament to the country’s mobilization laws last year, which allow for the military registration of women.

“Haddii la diiwaangeliyo, waxay helayaan maqaam la mid ah kuwa yy ku waajibey adeegga millaterigu,” ayuu yiri, isagoo xusay in intaas kaddib, ay khusayn doonaan xayiraadaha safarka ee saaran ciidanka.

“Haddii ay haystaan dokumenti gaar ah oo siinaya xaqa bixitaan ku meel gaar ah, markaa haa, way awoodi doonaan inay baxaan. Haddii kale, sida ragga, waxaa la xadidid doonaa xuquuqdooda socdaalkooda.” ayuu Venislavsky u sheegay RBC Ukraine.

Hadalsame Media