Xidigg-yare ka tirsan kooxda Barcelona oo taariikh ka dhigay Xulka Spain (Daawo)

0

(Barcelona) 09 Sebt 2023 – Lamine Yamal ayaa taariikh ka dhigay xulka kubbada cagta Spain ka dhigay isagoo noqday ciyaartooygii ugu da’da yaraa ee ka soo muuqda xulka qaranka Spain, wuxuuna taa ugu dabbaaldegey goolkiisii ugu horreeyey ee qarankiisa.

Da’yarka Barcelona ayaa ciyaarta kusoo galay bedel ahaan qaybtii hore ee ciyaarta isreebreebka Euro 2024 ee ay la ciyaareen Georgia si uu u dhigo rikoor cusub isagoo ah ciyaartooygii abid ugu da’da yaraa ee heer caalami u safta isagoo 16 sano iyo 57 maalmood jir ah.

Waxaa uu jebiyey rikoorkii hore ee saaxiibkiis Gavi, kaasoo jiray 17 sano iyo 62 maalmood markii uu Isbaanishka u saftay kulankii ay wajaheen Italy Sebtember 2021-kii.

Si kastaba ha ahaatee, taariikh-sameeyahan reer Spain ayaan halkaas uun ku harine wuxuu sidoo kale rikoodhka ku qurxiyey isagoo dhaliyey goolkii 7-aad kulankii ay 7-1 ku xasuuqeen xulka tacbaanka ah ee Georgia.

Hadalsame Media