Gabar Soomaaliyeed oo ka soo muuqatay boorarka magaalooyinka Ingiriiska + Sababta

0

(London) 09 Sebt 2023 – Boorarka waaweyn ee lagusoo bandhigo sawirrada xayeysiimaha iyo farshaxannada ee magaalooyinka waaweyn, ayaa waxaa qabsaday sawirrada gabar Soomaali ah.

Asma Jamac waa fanaanad, qoraa, gabyaa, iyo weliba filin sameeye asalkeeda u dhalatay Soomaali, waxayna si weyn usoo shaac baxday ka dib markii ay sawirradeedu qabsadeen boorarka waaweyn ee caasimadaha Ingiriiska.

Waxay kasoo jeeddaa Denmark waxayse hadda ku nooshahay dalka Ingiriiska halkaas oo ay shaqadedu kasoo shaac baxday.

Magaalooyinka ay ka midka yihiin Manchester, Glasgow, Brighton iyo Birmingham ayaa waxaa qabsaday sawirradeeda iyo farshaxankeeda ka dib markii ay dadka madow, dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay ka heleen habka ay fankeed ugu soo bandhigto fikirkeeda.

Shaqada Asma Jaamac waxay ka kooban tahay muuqaallo filimkeeda laga keenay kaas oo lagu magacaabo ” Except this time nothing returns from the ashes” oo la dhigay sannadkii tagay ee 2022.

ASMAA JAMA/GOULED AHMED

XIGASHADA SAWIRKA,ASMAA JAMA/GOULED AHMED

Mashruuca waxaa dhiiri galiyay boogga sheeko-xilliyeedka lagu magacaabo All About Love.

Shaqada Asma Jaamaca waxay ka kooban tahay sawirro iyo oraahyo laga soo qaaday filimka.

Waxay sawirrada Asma ka soo muuqdeen ila 20 goobood magaalada Bristol oo kaliya, Temple Gate, West Street, Aargada Old Market iyo Kingsland Road.

Mashruuca lagu soo bandhigayo shaqada Asma ayaa bilowday duhurinamadi Arbacada xilliga Ingiriiska, waxaanay boorarka ka sii muuqan doonaan tan iyo Axadda.

Asmaa Jaamac waa fanaanad Soomaaliyeed oo haysata dhalashada dalka Denmark, sidoo kalena ah abwaanad, isla markaana ka mid ah asaasayaasha fanka wadajirka ah ee Dhaqan Collective.

Waxay ku shaqeeysaa luqadaha dhexdooda waxayna wax ka qortaa sheekooyinka iyo filimaanta rooxaanta, cabsi-cabsida, iyo kaydka. Waxaa lagu daabacay sheekooyinkeeda joornaalada iyo mareegaha internetka – waxaana ka mid ah meelahaas sida Abit, Ifa Gallery, ANMLY, iyo Joornaalka The Good – waxaana sidoo kale lagu martiqaaday inay bandhigyo ka sameyso Southbank iyo Poetry Society. Shaqada Asmaa waxaa lagu turjumay Faransiis, Sawaaxili, Soomaali, Isbaanish, iyo Boortaqiis.

ASMAA JAMA/GOULED AHMED

XIGASHADA SAWIRKA,ASMAA JAMA/GOULED AHMED

Waxay hadda ka waddaa Mailles, wax soo saarka dalxiiska. Asmaa waxay kaalinta labaad ka gashay tartanka abaalmarinta BBC ee erayada lagu hadlo “Words First” iyo mid ka mid ah ardaydii ugu horreysay ee Obsidian Foundation.

Sannadkan, waxay ka heshay BBC-da shaqada farshaxaniiste oo hoos imaanaysa nidaamka horumarinta hibada “Hal-abuurka Cusub”.

Tan iyo sannadkii 2021 Asma waxay la shaqaynaysay Guuleed Axmed oo isaguna Soomaali ah isla markaana ah nin ku takhasusay lebiska waxayna isla soo qabteen shaqooyin badan.

Iyaga oo ay ka muuqato hiddaha ay wadaagaan ee ah in ay yihiin fannaaniin asalkoodu Soomaali yahay, dhaqankoodu waxa uu keenayaa in la qiyaaso mustaqbalka iyo in la dhiso adduunyo kale iyaga oo isticmaalaya luqad maqal-muuqaal ah oo iska caabbinaysa farsamooyinka sheeko-xariireedka caadiga ah iyaga oo isticmaalaya qoraal muuqaal ah, sawirro socda iyo hal-abuurro. Shaqooyinkooda is dhexgalku waxay sahamiyaan dhinacyada kala duwan sida, socdaalka, caadooyinka, khuraafaadka, indho sarcaadka, qarsoonaanta, tirtirida, ilaalinta iyo kaydinta xusuusta.

Labadoodu waxay wax ka soo qaataan hababkooda gaarka ah ee farshaxanka. Asma Jaamac waxa ay su’aalo gelisaa luqadda si ay u baarto nuxurka socdaalka iyo dhaxsinta iyo rumowga xusuusta, halka Axmed uu isticmaalo farsamooyin is-muujin iyo faashan uu su’aalo kaga keenayo saamaynta ay ku yeelanayaan kala sarreynta qaab-dhismeedka bulshada sida ‘kuwa la takooro’ looga arko loogana fahmo Geeska Afrika.

BBC

Hadalsame Media