(Stockholm) 07 Sebt 2023 – Taageerada xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna ayaa sii kordhaysa marka loo eego sahan ay sameeyeen SVT/Kantar Public. SD ayaa hadda ku dhow natiijadii doorashada ee sanadkii hore, waana xisbiga kaliya ee horumar ka sameeyey sahanka bishan.
Waxaa ugu shacbiyad liita xisbiyada L, KD iyo C, kuwaasoo dhamaantood ka hoos maray xayndaabka lagu galo baarlamaanka dhexe.
Sahankan ayaa la sameeyey labadii toddobaad ee ugu dambeeyey bishii Agoosto markaasoo heerka digniinta khatarta argagixsada sare loo qaaday, dhowr jeerna la gubay nuqullo Qur’aanka kariimka ah.
”Waxaan filayaa in codbixiyeyaashu ay qaddarinayaan calaamadda cad ee ay SD muujinayaan ee ah in Sweden ay noqoto waddan dimoqraadi ah oo furfuran oo ay wax go’aamiso in xorriyadda uu dastuurkeennu ogol yahay si dhab ah loo isticmaalo.” ayuu yiri xoghayaha xisbiga Sverigedemokraterna, Mattias Bäckström Johansson.
Si kastaba ha ahaatee, isagu ma rumaysna in waxa loogu yeero dhibaatada Qur’aan gubistu ay kaliya sharxi karto kor u kaca ra’yiga dadwaynaha ee SD, laakiin sidoo kale wuxuu tixraacayaa xaqiiqda ah in xisbigu uu Dowladda kala shaqeeyey inay fuliso siyaasado badan oo uu watey xisbiga SD.
Taageerada SD ayaa hadda maraysa 19.7 boqolkiiba, taasoo ah qiimayntoodii ugu sarreeysey ee sahanka dadwaynaha Kantar Puplic tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Yeelkeede, xisbiga ugu wayn dalka Sweden ee ay inta badan ajnabiga ay Soomaalidu ka mid tahay taageeraan, ayaa weli ah xisbiga Socialdemokraterna, kaasoo sahankan helay 37,6 boqolkiiba, sidaas darteed mucaaradku waxay weli dhanka ra’yiga dadwaynaha ah uga sarreeyaan xisbiyada talada haya waloow ay yara hoos u dhaceen.
Tusaale, bishan Sebtembar, farqiga u dhexeeya baloogyada labada xisbi waa 8.6 boqolkiiba, marka la barbardhigo 11 boqolkiiba uu ahaa bishii dhamaatay ee Agoosto.
Hadalsame Media