MAXAA IGA QABSADAY? Messi oo xalay dhulka ku jiidey jookarka Chelsea ugu qaalisan ee Caicedo (Daawo)

0

(Hadalsame) 09 Sebt 2023 – Jookarka Lionel Messi ayaa markale soo bandhigay farsamadiisa aan caadiga ahayn si uu Argentina uga caawiyo inay guul kale gaaraan, iyagoo si wanaagsan u bilaabay usoo bixitaankooda Koobka Adduunka 2026.

Maalin kaddib markii loo magacaabay inuu u tartamo hanashada Ballon d’Or markii siddeedaad, waxa uu kubad laad xor ah oo cajiib ahayd oo ay dadka qaar rigoore oo kale ku sheegeen ka dhaliyey xulka Ecuador 8-dii Sebtembar, kaasoo noqday goolka kaliya ee ciyaarta.

Waa markii ugu horreeysey tan iyo 1986-kii ee La Albiceleste ay bilaabaan isreebreebka iyagoo ah kooxda difaacanaysa horyaalnimada adduunka kaddib guushii Qadar sannadkii hore. Ciyaartii dhammaadka waxay rigoorayaal kaga badiyeen xulka France ciyaar xamaasad leh oo ka dhacday dalka Qadar.

Messi xaqiiqdii oo wacdaro ka dhigay garoonka Estadio Más Monumental xalay 8-dii Sebtembar halkaasoo uu kusoo bandhigay xeesha kubadeed ee faciis ka duwdey. Mid ka mid ah dhibbanayaashiisa ayaa ahaa saxiixa cusub ee rikoodh jebiska ah ee Chelsea, Moises Caicedo.

Caicedo, oo si dhaqso ah u noqday xiddig muhim u ah khadka dhexe ee Ecuador, ayaa dhulka ku raftay mar uu isku dayey inuu xiro MESSI oo inta bari u jeediyey koonfur ka maray.

Laacibkan oo €115 milyan oo Yuuro ay Chelsea kagalasoo wareegeen Brighton and Hove Albion ayaa u muuqdey mid la warac geddiyey, xilli uu ciyaaryahankii hore ee Barcelona kubadda laga qaadi waayey, waloow uu Caicedo marar badan hollinayey inuu kubad raf ah la dheelo xiddigga Inter Miami.

Hadalsame Media