KA FAA’IIDAYSO! Faa’idooyinka HAYLKA iyo Cilladaha uu la dagaallamo

0

(Hadalsame) 09 Sebt 2023 – Haylku waxa uu ka mid yahay xawaashyada ay Soomaalidu aadka u taqaanno, shaaha iyo cuntada kalana marar badan loogu sameeyo dhadhanka iyo urta fiican. Laakiin inta badan dadku ma oga in uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aad u tiro badan. Faa’idooyinkaas waxaa ka mid ah:

1. Haylku waxa uu kordhiyaa awoodda wareegga dhiigga, sida oo kale waxa ku jira xaddi badan oo ah Magnisium iyo maaddooyin kale oo muhiim u ah hormoonka lab ee ‘Testosterone’, gaar ahaan ragga da’doodu weyntahay, labadan qodobba waxa ay muhiim u yihiin xidhiidhka jinsiga ah.

Shabakadda ‘Man Matters’ oo ka falloota arrimaha caafimaadka ragga, ayaa warbixin ay qortay ku sheegtay in haylku uu kordhiyo doonista jinsiga ah ee ragga, illaa heer uu isticmaalkiisa joogtada ahi beddeli karo dawada arrimahaas loo isticmaalo ee “Viagra”

2. Cilmibaadhis sannadkii 2015 la sameeyey oo lagu faafiyey joornaalka ‘Complementary Medicine Journal’ oo ka faallooda arrimaha caafimaadka ayaa ifitiimisay in Haylku uu dumarka uurka leh ka yareeyaa boqolkiiba 75 matagga iyo yalaalugada. Sida oo kale waxa uu xasiliyaa acsaabtooda, taas oo keenta in ay raaxo ama nafis dareemaan.

3. Haylku waxa uu si dabiici ah u kordhiyaa awoodda qashinqubka jidhka ee uu iskaga soo saarayo kaadida, waxa aanu ka hortagaa in jidhka ay ku kaydsamaan biyaha aanu u baahnayni, sidaas awgeed waxa uu si weyn uga qayb qaadanayaa in jidhku uu iska saaro ‘Mariidka’ taas oo sababaysa in uu fiicnaado dheefsiga cuntadu.

Waa run in Haylku aanu si degdeg ah u gubin dufanka ku urura caloosha ama dhexda qofka, laakiin sida lagu sheegay warbixin caafimaad oo ay faafisay shabakadda ‘masalamonk.com’ isticmaalkiisa joogtada ahi waxa uu kordhiyaa tamarta iyo dheefsiga cuntada, taas oo keenaysa in ugu dambaynta uu kaalin fiican ka qaato miisaan dhimista.

4. Haylka samayskiisa waxaa ku jira dufan awood u leh in uu dejiyo acsaabta qofka, isaga oo ka ilaalinaya ama ka daweynaya isku buuqa, qulubka, warwarka, iyo xaaladaha la midka ah.

Haylka oo shaaha lagu karsado ayaa iyaduna keenta xasilooni nafsi ah oo dawo ka noqonaya xaaladaha nafsiga ah. sababta ugu weynina waa isku-dhiska ‘Flavonoid’ ee haylka ku jira oo raad togan oo weyn ku yeesha habdhiska neerfaha iyo xasilintiisa.

5. Haylku waxa uu hodan ku yahay Faytamiinka B6, waxa uu u fiican yahay ilaalinta unugyada maskaxda oo uu kala dagaalamo dhibaatada iyo sunta. Sidaas awgeed Faytamiinkani waxa uu ka mid yahay dawooyinka la aaminsanyahay in uu ka hortago xanuunnada aan Dawada lahayn ee maskaxda ku dhaca oo ay ka mid yihiin xanuunka unugyada maskaxda dila ee ‘Alzheimer’ ka iyo xanuunka asaasaqa ee xasuusta dila.

Intaas oo keliya ma’aha ee urta haylku waxa ay u fiicantahay wanaajinta xaaladda dabeecadeed ee qofka, tusaale ahaan cadhada badan ayaa uu ka hortag u noqon karaa. Waxa kale oo uu xoojiyaa xusuusta, sida ay ku warrantay shabakadda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee ‘Netmeds’

6. Haylku waxa uu hodan ku yahay curiyeyaal nafaqo oo muhiim u ah timaha, gaar ahaan xadiid, Kalshiyam, Botaasiyam, Magnesiyaam, iyo Fosfoor, sidaas awgeed waxa uu dhumuc iyo dhalaal u yeelaa timaha. Sida oo kalana waxa uu madaxa ka nadiifiyaa wasakhda unugyada dhintay ee ku ururta.

7. Warbixin caafimaad oo ay daabacday shabakadda Insider ayaa lagu sheegay in haylka cad ay ku jirto maaddo kiimikaad lagu magacaabo ‘Eugenol’ taas oo keenta urta hahda (Kulaylka) leh ee iniinyaha haylka lagu arko. Maadaddani waxa la dagaalantaa jeermiska iyo bakteeriyada.

Cilmibaadhis soo baxday sannadkii 2017 oo ay faafiyeen mac-hadyada qaranka ee caafimaadka ee dalka Maraykanka, ayaa lagu ogaaday in haylku uu awood u leeyahay in uu jidhka ka caawiyo xakamaynta iyo yaraynta caabuqa. Xeeldheereyaashu waxa ay ogaadeen in haylku uu burburiyo koritaanka iyo faafidda noocyo badan oo ka mid ah bakteeriyada ogxaanta cuntada ku dhalata oo kumannaan cudur oo kala duwan sababta.

8. Cilmibaadhis la sameeyey sannadkii 2019 oo natiijadeeda uu faafiyey ‘Journal of the Science of Food and Agriculture’ ayaa iftiimisay in haylka cadi uu faa’idooyin caafimaad u leeyahay daweynta cudurka macaanka. Waxaa ka mid ah in uu yareeyo sonkorta dhiigga ku jirta.

9. Haylku waa udug oo afka waxa uu ka ilaalin karaa urta aan fiicnayn, sida oo kalana waxaa ku jira maaddooyin u fiican caafimaadka Ilkaha iyo cirridka. Waxa uu ka hortagaa koritaanka bakteeriyada sababta caabuqa iyo bukaanka cirridka, waxa aanu dilaa bakteeriyada sababta suuska.

10. Haylku waxa uu faa’ido u leeyahay caafimaadka Wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday in haylku uu yareeyo dufanka (Triglycerides) oo sababa in ay xidhmaan ama ururaan xididdada dhiiggu, taasina ay kordhiso khatarta ah in qofka uu wadne xanuun ku dhaco, ama maskaxda dhiig kaga furmo. Warbixin caafimaad oo ay faafisay shabakadda Vitamin And me ayaa iyaduna muujisay in haylku uu dhiigkarka dejiyo.

W/D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media