DF Maraykanka & Maamul-goboleedka Texas oo isku haya wax u eg doodaha ka taagan federaalka Somalia (Xukun lagu ridey Texas)

0

(Houston) 09 Sebt 2023 – Garsoore heer federaal ah ayaa Arbacadii amar ku bixiyey in Texas ay meesha ka qaaddo xad sabaynaya oo ay dhex dhigtay webiga Rio Grande kaddib dhaliilo uga yimid dowladaha Maraykanka iyo Mexico oo ka cabanaya guddoomiyaha gobolkaas ee ka socda xisbiga Jamhuuriga, Greg Abbott, oo taatikadan u adeegsanaya inuu ku joojiyo muhaajiriinta ka soo tallaabaya xadka koonfureed ee Maraykanka.

Go’aanka uu qaatay xaakimkan federaalka ee David Ezra ee fadhigiisu yahay Texas ayay u badan tahay inuu rafcaan ka qaato gobolka Texas, kaasoo labadii sano ee lasoo dhaafay si wayn u riixayey qorshe kasta oo lagu xakameeynayo qulqulka muhaajiriinta isagoo keenay howlgal ballaaran ee loo yaqaan Operation Lone Star.

Garsooraha ayaa sheegay inay gobolku haystaan ilaa Sebtember 15 si ay webiga uga saaraan xayndaabka ay dhex dhigeen.

Texas ayaa sidoo kale waxay xadka ku rakibeen dayr bir ah iyo silig korontaysan, iyagoo sidoo kale awood siinaya saraakiisha maxalliga ah ee gobolka inay qabtaan muhaajiriinta oo ay kusoo oogayaan dembi ah inay khalad kusoo galeen Maraykanka, taasoo aan ahayn howshii uu gobolku lahaa.

Xayndaabkan ay webiga Rio Grande dhex dhigeen ayaa la sameeyey bishii Luulyo waxay se keentay caqabad sharci oo deg deg ah oo ka timid Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, taasoo ku eedaysay Texas inay xireen xuduud caalami ah fasax la’aan, waayo arrimaha xadku waa howl ay leedahay DF Maraykanka oo gobolladu shuqul kuma laha.

Maamulka madaxwayne Joe Biden ayaa sidoo kale sheegay in xayndaabkan biyaha la dhigay uu keenayo walaac bini’aadminnimo iyo mid degaan.

In kasta oo uu Maraykanku leeyahay nidaam Jamhuuri ah oo uu sharcigu taliyo, misna doodahan oo kale ee uu gobol faragashanayo arrimihii u gaarka ahaa DF waa dood ka taagan federaalka aan marna dhulka ka kicin ee Somalia.

Hadalsame Media