”Waa wax laga yaqyaqsoodo in isaga oo Yuhuud ah loo adeegsado ammaanta Naasiga” – Putin oo furka ku xooray Zelensky

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2023 –  U isticmaalka Yuhuudnimada Vladimir Zelensky si uu u daboolo dembiga ay galeen cunsuriyiinta Ukraine ee gaystey Holocaust intii lagu jirey WWII waa wax laga yaqyaqsado, sida uu qabo Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin, isagoo intaa ku daray in taageerayaasha Stepan Bandera oo ahaa hoggaamiye midig fog ahaa ay mas’uul ka ahaayeen dilka 1.5 milyan oo Yuhuud ah.

“Taasi waxay xaaladda oo dhan ka dhigaysaa mid aad looga yaqyaqsoodo, in nin Yuhuudi ah qowmiyad ahaan loo adeegsado ammaanta Naasinnimada iyo kuwii fuliyey Holocaust-gii Ukraine waqtigaas, oo ay ku xasuuqeen 1.5 milyan oo qof,” ayuu yirhi Madaxwaynaha Ruushku.

“Muwaadiniinta Israa’iil ee caadiga ahi ahi hadda waxay si fiican u ogaadeen arrintan. Kaliya fiiri waxa ay ka sheegayaan internet-ka.” ayuu Putin u sheegay weriye Pavel Zarubin.

Putin ayaa wuxuu xilligaa uu warkan sheegayey dhammeeyey la kulanka waxa loogu yeero Guddiga ‘Guusha’ – oo ah hay’ad la-talineed oo u xilsaaran waxbarashada waddaniyadda iyo arrimaha halyeeyada.

Madaxwaynaha Ruushka ayaa arrintan soo qaaday mar uu la hadlayey mid ka mid ah xubnaha guddiga, isagoo tilmaamay in Moscow laga yaabo inaysan si ku filan usoo bandhigin xaqiiqooyinka ku saabsan xasuuqii ay gaysteen Naasiyiintii la shaqaysan jiray Hitler ee Ukraine iyo dalalka Baltic-ka.

Hadalsame Media