Faa’iidada cabitaanka Karootada & Sanjabiisha & Xaaladaha caafimaad ee ay wax ka taraan

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2023 – Furuutka iyo khudraddu waa aasaaska cunno caafimaad leh, siyaabo kala duwan ayay caafimaadka uga qeyb qaataan, nafaqooyinka ku jira noocyada kala duwan ee furuutka iyo khudradda way adag tahay in laga helo cunnooyinka kale.

Waqtigaan hadda la joogo waxaa aad usii badanaya cudurrada iyo cilladaha ka dhasha hab-nololeedka, sidaas awgeed waxaa lagama maarmaan ah in lagu dedaalo cabitaannada dabiiciga ah ee furuutka iyo khudaarta islamarkaana laga fogaado cabitaannada warshadaysan maadaama aysan uroonayn dheefshiidka iyo guud ahaan caafimaadka.

Hadaba qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa cabitaan dabiici ah oo ay diyaarintiisu sahlan tahay oo faaido u leh caafimaadka guud, kaas oo ka kooban sanjabiil iyo karooto/dabo-case oo ah labo shay oo ay Soomaalidu si fiican u taqaanno.

Xoojinta difaaca jirka:

Isku-darka sanjabiisha iyo karootadu waxay kor u qaadaan awoodda difaaca jirka. Karootadu waxay ka mid tahay cuntada difaaca jirka sare u qaado waxaa laga helaa fiitamiinnada A iyo C oo muhiim u ah difaaca jirka. Sanjabiishu waxay kor u qaadaa difaaca jirka iyado firfircooni gelisa unuygyada difaaca jirka ka qayb qaato. Wuxuu kaloo cabitaankaan jirka ka sifeeyaa sunta, taas oo ah hab kale oo loo kobciyo awoodda difaaca jirka.

Ka hortaggaa kansarka:

Karootada waxaa ku badan maado la yiraahdo “Beta-carotene” oo yaraysa halista kansarrada khaasatan kansarka sambabka kansarka malawadka iyo kansarka naasaha, waxaa la arkay haddii qofka maadadaan uu ka qaato 2.7 milligram maalin kasta inay yaraynayso halista kansarka boqolkiiba 40% markii lagu tijaabiyay dadka sigaarka aad u cabo, cilmibaaris kale waxaa lagu arkay inay yarayso halista kansarka malawadka ku dhaco, taasi waxay na tusinaysaa in karootadu ay faa’ido ka hortag oo aad wayn in ay leedahay haddii la joogteeyo. Sanjabiisha Waxaa ku jira madooyin ka hortaga faafida unugyada kansarka, waxay si weyn hoos ugu dhigtaa halista cudurka kansarka.

Kobcinta caafimaadka wadnaha:

Madooyinka sun-saarista ee ka buuxo karootada iyo sanjabiisha waxay kobciyaan caafimaadka wadnaha. Maadooyinka beta-carotene, alpha-carotene iyo lutein ee laga helo karootada waxay hoos u dhigaan halista cudurka wadne istaagga halka maadada potassium ay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga. Maadada “gingerol” ee ku jirta sanjabiisha waxay ka qeyb qaadataa dejinta dhiig karka waxayna siyaadisaa qulqulka dhiigga.

Murqo Xanuunka:

Isku darka karootada iyo sanjabiisha waa lid-huriye (anti-inflammatory) awood leh oo hoos u dhiga murqo xanuunka iyo hurka muqaha

Caafimaadka maqaarka:

Cabitaanka karootada iyo sanjabiishu wuxuu aad ugu roon yahay caafimaadka maqaarka. Sida aan kor ku soo xusnay kaarootada waxaa ku jira maadada Beta-carotene taas oo kor u qaadaa caafimaadka maqaarka. Sanjabiisha waxaa ku jira walxaha sunsaarista, fiitamiinno iyo macdano oo sare u qaada quruxda maqaarka.

Xakamaynta Sonkorta:

Sanjabiishu waxay hoos u dhigtaa heerka sonkorta dhiigga waxayna wanaajisaa shaqada hormoonka insulin, dadka sonkorowga qabo gaar ahaan nooca 2-aad ayaa lagula taliyaa inay joogteeyaan sanjabiisha.

Kaarootadu waxay xakamaysaa heerka sonkorta dhiigga waxayna ka hortagtaa howlgabka ama firfircooni yarida unugyada soo saaro insulin-ta. Dadka macaanka qaba waxaa lagula dardaarmaa inay shiitaan karootada oo ay cabitaan ka dhigtaan iyadoo aan sonkor lagu darin.

Faaidooyinka kale:

Cabitaanka kaarootada iyo sanjabiisha wuxuu u fiicanyahay hooyada uurka leh,  wuxuu siyaadiyaa arragga indhaha, waxa uu daawo u yahay lalabada iyo matagga, waxa uu kobciyaa caafimaadka cirridka.

Qaabka diyaarinta cabitaanka karootada iyo sanjabiisha:

  • Jar-jar karootada oo mayr, kadibna qallaji
  • Sanjabiisha diirka ka fiiq oo mayr.
  • Ku rid mashiinka cabiitaanka lagu shiido Kadibna isku shiid illaa uu ka noqonayo cabitaan jilicsan
  • Ku darso liin dhanaan islamarkaana cab maalin kasta.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media