Axmed Naaji: Fannaan qaran oo loo quuray arrin aan qaban

0

WAAN KA XUMAHAY USTAADOOW!

Waxaan aad uga xumahay, waliba si aan la qiyaasi karin; in Ustaad Axmed Naaji Sacad oo aan ognahay waxa uu qaranka iyo dalkaba usoo qabtay, maanta lagu aasayo magaalada London.
Wuu yar yahay fannaan Soomaaliyeed oo hibada Axmed oo kale lahaa. Waxa uu ahaa koox dhameystiran. Wax alle iyo waxa qalab music laga garaaco ma jiro mid aanu ka dhawaajin aqoonin waliba si aan caadi ahayn.
Heesaha iyo riwaayadaha wuu sameeyaa. Laxanka wuu saaraa, musig wuu raaciyaa, wuuna ku luuqeeyaa.
Intaas waxaa dheer Axmed Naaji Sacad in uu ahaa sooraare (director مخرج)
Burburkii kadib waxa uu u go’ay suugaanta wacyi-gelinta ah iyo heesaha waddaniga ah.
Labadii hees ee ugu horreysay burburkii kadib oo uu laxan iyo music-ba u sameeyo waxa ay ahaayeen:
1- Dalkeygow dushaadiu waa barwaaqee.
2- Eebboow annagoo nabad ah.
Heestii ugu dambeysay ee uu ereyadeeda, laxankeeda iyo muusiggeedaba lahaa waxa ay ahayd: Sabanno dheer iyo sanooyin badanbaa laydin sugaayee, soo noqod wanaagsan, sacabbo furan kusoo dhowaada. Heestan waxa uu qurbo-joogta ku boorrinayay in ay dalkooda kusoo noqdaan oo ay dhistaan.
Axmed Naaji Sacad hadduu ka dhalan lahaa dal kale oo aan Soomaaliya ahayn ama beel weyn, maalmo dhan ayaa loo baroor diiqi lahaa.

Maanta waxaa calool xumo weyn ah in ay dowladdeenu si fudud indhaha uga eegato iyada oo Axmed Naaji la bud-dhigayo waddan shisheeye oo aad uga fog dalkii uu noloshiisa oo dhan u hibeeyay.

W; D: Jacfar Kuukaay

Hadalsame Media