Macallin sheegay in FIFA ay Koobka Adduunka u musuqday si uu Messi u guulaysto

0

(Amesterdam) 06 Sebt 2023 – Macallin Louis Van Gaal oo Xulka Holland soo maamulay tartankii KA2022 ee ka dhacay dalka Qadar ayaa eedaymo culus u jeediyey FIFA, isagoo sheegay in tartanka loo musuqay Lionel Messi.

Isagoo ka hadlaya Koobka Adduunka, Van Gaal ayaa u sheegay NOS oo ah majalad ka jirta dalkiisa Netherlands:

“Runtii ma doonayo inaan wax badan ka sheego, laakiin marka aad aragto sida Argentina ay u heshay goolasha iyo sida ciyaartoyda Argentina qaarkood ay xadka uga gudbayeen ee aan loo ciqaabin, markaas waxaan u malaynayaa in dhammaan ciyaartani ay ahayd mid natiijadeeda lasii qorsheeyey,” ayuu yiri Van Gaal.

Kaddib markii saxafiyiintu ay su’aalo dheeraad ah ku yool baareen, 72 jirkan ayaa yiri: “Waxaan ula jeedaa wax walba oo aan sheegay. In Messi la rabey inuu noqdo horyaalka adduunka?”

Lionel Messi against Netherlands at the World Cup in Qatar || Image via X formerly Twitter

Hadalsame Media