(Maxaas) 06 Sebt 2023 – Kooxda Manchester United ayaa markii ugu horreeysey ka hadashay eedaymaha cunfi-guriga ee ka dhanka ah gabadhii Antony, iyadoo weeraryahanka ay booliisku su’aalo waydiinayaan.
23-jirka garabka ka ciyaara ayaa laga saaray xulka Brazil habeenimadii Isniinta, maalmo uun kaddib markii Mason Greenwood uu amaah ugasoo tagay United oo uu ugu biiray kooxda Getafe kaddib baaris qaadatay muddo lix bilood ah.
Antony ayaa beeniyey sheegashada saaxiibkiisii hore ee Gabriela Cavallin ee ah inuu weeraray iyada oo uur leh, islamarkaana uu waxyeelleeyay cajir macmal ah oo naasaha ugu jira, inuu uu farteeda ka jaray muraayad, uguna hanjabey in uu ka tuurayo gaari xawli ku socda.
United ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayso in kooxdu ay ka warqabto eedaymaha ka dhanka ah 23 jirka reer Brazil.
“Inta la sugayo xog dheeri ah, kooxdu wax faallo ah kama bixin doonto arrintan. “Naadi ahaan, arrintan waxaan u qaadanaynaa si dhab ah, iyadoo la tixgalinayo saamaynta eedaymahan iyo warbixinnada dambe ay ku yeelan doonaan qofka loo gaystey xadgudubyadan.” ayay tiri Man United.
Si kastaba, Rosilene Silva, oo ah gabadha saaxiibka la ah xiddigga Manchester United Antony, dacwaddana booliiska gaarsiisey bishii Juun, ayaa la arkayey iyadoo ka soo baxaysa gurigooda ku yaalla Cheshire saacado uun kaddib markii Brazili ay cayrisay weeraryahankan sababo la xiriira eedaymaha cunfi-guriga ah ee ay ku eedaynayso laacibkan.
Antony ayaa qiray inay gabadha is caayi jireen, balse wuxuu meesha ka saaray inuu marna u adeegsadey gacan ka hadal ama uu u gooddiyey.
Hadalsame Media