Ma waxaa jirta sabab MW Xasan Sh ku kalliftay inuu kasoo wareego Dhuusomareebo? (Daawo jawaabta)

0

(Manchester) 05 Sebt 2023 – MW Xasan Sheekh ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey ku sugnaa gobollada dhexe, gaar ahaan caasimadda Galmudug ee Dhuusomareeb, balse kaddib dhowr todobaad wuxuu haatan ku sugan yahay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Haddaba, waxaa soo baxayey warar badan oo la isla dhexmarayey oo sheegaya inuu usoo wareegey dhinaca Maxaas oo hadda noqonaysa xarunta dhexe ee laga hagayo dagaalka lagu doonayo in Shabaabka looga saaro meelaha ay uga hareen gobollada dhexe.

Shabeelle oo Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed waydiisey waxa ka jira in MW Xasan uu kusoo hungoobey inuu Dhuusamareeb ka helo gacantii uu uga fadhiyey ee uu deeto usoo wareegey dhinaca Hiiraan si uu u kaashado Macawisleeyda iyo CXD ee ku sugan halkaas.

Xildhibaanka ayaa waloow uu qiray wax ku oolnimada Macawisleeyda Gobolka Hiiraan wuxuu misna meesha ka saaray jiritaanka arrinta ah inuu Madaxwaynuhu kaalmo ka waayey dhinaca Maamulka Galmudug, balse wuxuu ku tilmaamay in kaliya imaanshiyaha Madaxwaynuhu uu yahay qayb ka mid ah agaasinka dagaalka soconaya.

Halkan hoose ka DAAWO waraysiga oo dhan….

Hadalsame Media