”Khalad” ay Real Madrid ka gashay Bellingham oo si aan ku talagal ahayn loosoo bandhigay

0

(Madrid) 05 Sebt 2023 – Real Madrid ayaa u muuqata inay qolka lebiska kooxda ee garoonkooda lagu casriyeeyey £500milyan oo gini ay si khaldan u higaadisey magaca Jude Bellingham oo ah saxiix cusub.

Los Blancos ayaa dib u habayn ku sameysay Santiago Bernabeu oo la furay ciyaartii ay 2-1 kaga badiyeen Getafe ee La Liga fiidnimadii Axaddii, taasoo uu Bellingham uu kasii watay billowgiisii wacnaa ee noloshiisa Spain isagoo dhaliyey goolkii guusha daqiiqadii 95-aad ee ciyaarta.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa si sahlan ula qabsaday kooxdiisa cusub, isagoo 5 jeer shabaqa soo taabtay afartii kulan ee kulamada furitaanka Madrid oo isha ku haysa inay dib u hantaan horyaalka La Liga kaddib markii ay ka qaadday Barcelona xilli ciyaareedkii hore.

Waxa uu mar kale ahaa geesiga garoonkan taariikhiga ah usbuuca dhamaadkii, isagoo goolkii guusha dhaliyey kaddib markii uu goolhayaha Getafe ee David Soria uu meel fog kasoo toogtey Lucas Vazquez.

Laakiin waxaa dhacday in si khalad ah magaciisa loogu qoray qolka beddelka ciyaarta, sida ka muuqata qoraal gidaarka ku dheggan.

The midfielder scored a late winner for Real Madrid as they beat Getafe 2-1 on Sunday evening

Jude Bellingham's name has been spelt wrong in the Real Madrid changing room, seen in a video on social media

Hadalsame Media