ISKA JIR! Haddii aad Nutella aad u jeceshahay bal ka bogo maaddooyinka HALISTA ah ee ka buuxa

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2023 – Maxaad ka ogtahay waxyaabaha halista ah ee ka buuxa Nutella oo ah iidaan aad looga isticmaalo dunida maanta?

Halkan hoose waxaa ku taxan waxyaabaha laga sameeyo Nutella oo ay aad ugu badan yihiin laba maaddo oo aan caafimaadka u roonayn:

1 – Boqolkiiba 56% wuxu ka kooban yahay sonkor. 8.5/15×100 = 56% is sugar.
2 – Nutella wuxu ka kooban yahay 14 qaadada shaaha (tea spoon) ah oo sonkora.
3 – Boqolkiiba 13% wuxu ka kooban yahay
hazelnuts.
4 – Boqolkiiba 10.5% wuxu ka kooban yahay
Saturated fat.
5 – labada walxood ee ugu badan ee uu ka koob yahay Nutella waa sonkor iyo saliid.
6 – Saliida la dhaho palm oil ayaa ku jirta Nutella waana saliida ugu badan ee lagu daro cuntooyinka moorka ah.

7 – Doodo caalami ah ayaaka taagan saliida ku jirta Nutella.

In aad macluumad kugu filan ka ogaatay Nutella ayaan rajaynaya adiga ayaa dookh u leh in aad iska joojiso Nutella oo ka kooban Boqolkiiba 56% sonkor iyo in aad Wali iska sii cunto.
Nutella ma isticmaasha adigu?

W: D: Dr Cabdirashiid Dalab

Hadalsame Media