Fiitamiinnada & Macdanta u wanaagsan UUR qaadista & Cuntooyinka hodanka ku ah

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2023 – Dhalmo la’aantu waa cillad aad ugu soo badanaysa ragga iyo dumarkaba, sababaha keenana waxaa ka mid ah cunno xumada, stress-ka, shaqada badan iyo sababo kale oo la xiriira nolosha ah casriga ah ee maanta.

Khalkhalka hormoonadu waxa ay qayb wayn ka qaadataa cilladaha dhalma la’aanta, sidaas darteed haweenka doonaya inay si dhakhso ah uur u qaadaan waa inay ku dedaalaan cunnooyinka uu Daryeel Magazine halkaan ku xusayo si ay uga helaan fitamiinnada muhiimka u ah uur qaadista.

Cunnooyinkani waxa ay sare u qaadaan tayada ukumaha, waxa isku dheelitiraan hormoonada, waxa ay kordhiyaan soo daynta ugxanta si loo bacrimiyo, sida oo kale, cunnooyinkani ay uroon yihiin ragga sababtoo ah waxa ay hagaajiyaan socodka iyo tayada xawada (sperm).

Waxaa kaloo cunnooyinkan la cuni karaa xilliga uurka maadaama ay u wanaagsan yihiin koriimada uurjiifka.

Haddaba akhriso cunnooyinka caawiya barcrinnimada ama uur qaadista haweenka.

Cunnooyinka uu ku jiro fitamiin E

Cunnooyinka hodanka ku ah fitamiinka E sida saliida gabaldayaha (sunflower oil), saliida saytuunka, lawska, caleenta koostada, broccoli-ga iwm, waxa ay wanaajiyaan dhalmada ragga iyo dumarkaba. Fitamiin E waxa uu kordhiyaa tayada dhareerka minka afkiisa ee loo yaqaanno “cervical mucus” ee haweenka. Tani waxay siyaadisaa fursadda in ukumaha la bacrimiyay ay ku beermaan ilmo galeenka.

Cunnooyinka leh fitamiin C:

Fitamiinkan waxa uu dheellitiraa hormoonnada qaabilsan uur qaadista ee dumarka waxaana uu wanaajiyaa uur qaadista haweenka uu ku yaryahay hormoonka “progesterone”. Cunnooyinka qaniga ku ah fitamiin C waxaa ka mid ah liinta oranjada, liin dhanaanta, barbarooniga iyo yaanyada.

Cunnooyinka ay ku jirto folic acid:

“folic acid” ama “folate” waa nafaqo muhiim ah xilliga uurka iyo ka hor uurka. Waxay wanaajisaa dhalmada waxayna jidhka dumarka u diyaarisaa uur qaadista. Maadadani waxa ay ku badan tahay digirta, lawska, koostada, baytataafka iwm.

Cunnooyinka leh Fitamiin B6:

Fitamiinkani waxa uu u fiicanyahay uur qaadista, wuxuuna isku dheelitiraa hormoonada. Haweenka uu ku yaryahay hormoonka proegesterone waa inay ku dedaalaan cunnooyinka uu ka buuxo B6 si ay dhakhso uur ugu qaadaan. Illaha qaniga ku ah fitamiin B6 waxaa ka mid ah mooska, qamadiga, ukunta iwm.

Cunnooyinka leh fitamiin D:

Fitamiinkani waxa uu sare u qaadaa fursadda uur qaadista isagoo kordhiya hormoonnada “oestrogen” iyo “progesterone” ee jidhka. Sida oo kale, waxaa uu kordhiyaa tayada shahwada. Cunnooyinka laga helo faytamiin D waxaa ka mid ah kalluunka, ukunta, beerka ariga iyo caanaha.

Cunnooyinka leh fitamiin B12:

Faytamiin B12 waxa uu ka qayb qaataa soo saarista ugxanta si loo bacrimiyo wuxuuna muhiim u yahay haweenka soo daynta ugxantu ay ku yaraatay. fiitamiinkan waxaa laga helaa hilibka xoolaha, kalluunka, ukunta, caanaha, beerka iyo kilyaha xoolaha.

Cunnooyinka leh dufannada omega-3 iyo omega-6:

Dufannada omega-3 iyo omega-6 waxa ay caawiyaan in si dhakhso ah uur loo qaado. Waxay kaloo ka hortagaan dhiciseynta. Cunnooyinka laga helo dufannadan waxaa ka mid ah; saliida saytuunka, midhaha qoondarka (flaxseeds), saliida kalluunka, saliidda gabaldayaha iyo miraha afakaadhada.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media