Somaliland oo iyaduna soo bandhigtay maxaabiis ay sheegeen inay ku qabteen dagaalka Laascaanood

0

(Hargaysa) 04 Sebt 2023 – Saraakiil kasocda Ururka Bisha Cas ayaa maanta booqday Maxaabiista SSC-Khaatumo ee ay gacanta ku hayso Somaliland, kuna xiran xabsiga Hargeysa, iyaga oo u kuurgalay xaaladooda iyo habka loola dhaqmay qabashada ilaa hadda.

Somaliland ayaa tustay Bisha Cas, 46 ruux oo ay sheegtay in ay dagaal ku qabatay. Xubnaha Bisha Cas ayaa maxaabiista qaar kala hadlay mashruuc la xariira sii dayn.

Yeelkeede, waa haddii ay ICRC Isimada SSC-KHAATUMO ku cadaadiyaan in ay ogolaadaan kala wareegsasho, laakiin taas waxaa caqabad ku ah labada dhinac oo weli siyaasad ahaan kala taagan laba moowqif oo kala fog, waloow siyaale kale loo macaamili karo.

Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa dhamaadkii bishii hore ee Agoosto sidoo kale sheegtay in tirada rasmiga ah ee ay kusoo arkeen xabsiyada Maamulka SSC oo ay booqdeen ay gaarayeen 300 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii 25-kii isla bishaas ka dhacay Goojacadde iyo Maraaga.

Hadalsame Media