XOG: Halka uu ku dambeeyo Maalinguur & Hadal NISA laga xigtey oo sheegay waxa laga yeelayo marka ugu dambaysa

0

(Muqdisho) 04 Sebt 2023 – Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo ka mid ahaa horjoogayaasha Shabaabka ee gobolka Mudug ayaa dabayaaqadii bishii hore isu soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Ninkan ayay arrintiisu kicisay dood kulul kaddib markii la saluugey qaabka uu usoo dhoweeyey Wasiir Gudeedka DF Somalia iyo sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaannada iyo madaxda DF Somalia oo si furan u taageeray, taasoo ka caraysiisey dad badan oo uu daannooyin u gaystey iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ee ay kooxdiisu dhibka aan xaqa ahayn ku hayso.

Haddaba, waxaa la is waydiinayey halka uu ninkani ku dambeeyey tan iyo markii uu is keenay, waxaana la sheegay inuu haatan ku jiro gacanta Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow NISA balse aan la magacaabin ayaa sheegay in ninkan arrintiisa loo kuurgeli doono, isagoo durba bixiyey xog ay sheegeen inuu wax ka tarayo gulufka ka dhanka ah Shabaabka.

Waxay kaloo sheegeen in aayaha dambe ee ninkan sida in la haynayo, la cafinayo oo dadka lagusii dhex daynayo IWM ay go’aamin doonto isla hay’adda NISA, taas lafteeda oo ay doodi ka taagan tahay maadaama NISA aysan maxkamad ahayn.

Hadalsame Media