ISKA JIR! Xabatu Sowdadu faa’iidooyin badan ayay leedahay balse iska ilaali inaad qaabkan u adeegsato

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2023 – Xabaasuuddu waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo ay isaga marag kaceen dhammaan cilmibaadhisaha kala duwan ee lagu sameeyey. Laakiin siyaabaha loo isticmaalayo ayaa muhiim ah in ay noqdaan kuwo lagaga heli karo waxtarkeeda, lagagana badbaadi karo khatarta caafimaad ee ka dhalan karta.

Hababka dadka qaar u isticmaalaan ee ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in ay khatar ku yihiin caafimaadkana waxaa ka mid ah in uumi ahaan loo isticmaalo. Warbixin ay dhowaan shabakadda Aljazeera ka qortay arrintan ayaa ay ku sheegtay in ay jiraan dad sanka iyo afka ka qaata uumiga xabaasuudda (Isku uumiya), iyaga oo aaminsan in ay dawo ka tahay xaasiyadda sambabada iyo laabta. Laakiin dhakhaatiirta waxa ay sheegayaan in arrintani ay khatar ku tahay caafimaadka, gaar ahaan carruurta.

Xeeldheereyaal caafimaad ayaa tijaabooyin ay sameeyeen ku ogaaday xabaasuudda haddii la gubo in maaddooyinka iyo saliidaha ku jiraa ay isu beddeli karaan sun, sidaa wageed haddii uu qofku neef ahaan u qaato ay sababi karto in uu dhaawac gaadho habdhiska neefsiga, suurtagalna tahay in uu dhibaato weyn ku keeno sambabada iyo laabta oo dhan. Waxa kale oo ay ogaadeen xabaasuudda marka la gubo in ay dhintaan faa’iidooyinka ku jiray maaddooyinka ay xabaasuuddu ka kooban tahay.

Dr. Caadil Xarbi oo ah bare sare oo ku xeeldheer caafimaadka habdhiska neefsiga oo u dhashay dalka Sucuudiga ayaa sheegay uumiga ka dhasha xabaasuudda marka la gubo uu khatar aad u weyn oo caafimaad keenio, waxa aanu si gaar ah ugu digay dadka xiiqda leh oo uu sheegay in dadka qaar faafinayaan been abuur sheegaya in uumiga xabaasuuddu uu dawo ka noqon karo xiiqda.

Faa’iidooyinka xabaasuudda

Sida ay sheegayaan cilmibaadhisaha caafimaad ee lagu sameeyey xabaasuudda, faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo waxaa ka mid ah;

– Jeermiska iyo bakteeriyada kala duwan oo ay si firfircoon ula dagaalanto.

– Waxa ay qayb weyn ka qaadataa la dagaallanka kaarka iyo garaaca. Waxa aanay bogsiisaa boogaha.

– Waxa ay xoojisaa habdhiska difaaca jidhka.

– Waxa ay kaalin ka qaadataa xakamaynta sonkorta dhiigga.

– Waxaa ku jira maaddooyin wax weyn ka tara la dagaalanka Kansarka.

– Waxa ay ka hortag u noqon kartaa caafimaad darro soo waajahda beerka.

Marka laga tago xaqiiqada ah in shareecada Islaamka, dhaqannada soo jireenka ah ee meelo badan oo adduunka ka mid ah ka jira iyo daraasadaha cilmiguba ay ka marag kaceen in xabaasuuddu ay tahay dawo. Haddana waxaa jira dacaayado badan iyo xayeysiisyo marar badan ku talaxtag aad ahi ku jiro, oo lagu sheegayo xanuunno iyo xaalado caafimaad oo xabaasuudda lagu daweyn karo.

Waxa kale oo jiraa qaabka isticmaalkeeda oo dad badani ay u dhigaan siyaabo aan cilmiyeysnayn. Sidaas awgeed khubarada caafimaadku waxa ay mar kasta ka digaan in xabaasuudda la isticmaalo tala la’aan, iyo in loo qaato in ay beddeli karto dawada.

W; D: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media