MW Somalia oo sheegay arrin aan horay u dhicin oo ay ciidanku bilaabeen & Qorshe uu Somalia u dejiyey + Khaladkii Cowswayne

0

(Muqdisho) 01 Sebt 2023 – Madaxweynaha Xasan, oo caawa hadal ka jeediyey barta X space, ayaa qiray dagaalkii toddobaadkii hore ka dhacay Cawsweyne, inoo ahaa midkii u horreyay ee saameynta u xooggan gaarsiiyay ciidanka xoogga inta uu socday howlgalka AS.

Madaxweynaha ma qarin, oo wuxuu tilmaamay inay arrimo farsamo dhaceen , si la mid ah dagaalka inay ka dhalatay ciidanka inuu furimo banneeyo ayuu sheegay, markii qoysaska ciidammada ay arkeen muuqaallada laga baahiyay meydadka askarta.

Madaxweynaha ayaa hadda sheegay in ciidammada xerooyinkooda lagu aruuriyay oo wacyi galin lagu siinayso, sidoo kalana ay helayaan nasniimo, maaddama uu sheegay tan iyo inta uu howlgalka billowday inaysan wehelin waqti ay ku nasan karaan.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay dadka Soomaaliyeed inay wax kasta oo kale meel iska dhigaan oo loo soo wada jeesto dagaalka AS. Inuu furimaha hore tagayo Axadda ayuu caddeeyay si ciidammada uu ula kulmo.

Xassan Sheekh, waxaa kalo uu markii u horreysay tilmaamay aragtida uu ka leeyahay Soomaaliy, hadda inuu yahay 70 jir, siyaasad iyo xil wax walba oo laga qaban lahaa oo taariikh uu ku dhigay labo mar Madaxweyne in loo doortay ayuu soo hadal qaaday, balse xilligan uu diiradda saarayo sidii isbeddel muuqda uu dalka u gaari lahaa ;”

“Ma dhahayo Singapore , Malaysia, Dubai iyo Koonfurta Kuuriya oo kale ayaan noqonayna, balse waxaan rabaa isbeddel dalkan ka dhasha oo halkaa ina gaarsiiya.” ayuu yiri.

Isbeddellada uu doonayo wuxuu ku soo daray in qofka Soomaaliga uu dooran doono madaxweynaha isaga oo degmadiisa jooga,laakin aysan dhici karin digtaateeriyad iyo xukun la isku dhajiyo.

W; D: Iimaan Jaamac

Hadalsame Media