Wiil 12-jir ah oo isagoo ordaya naftu ka baxday kaddib markii ay macallimiintiisu ku ciqaabeen inuu ku ordo kulayl 90-digrii ah

0

(Lake Elsinore, CA) 02 Sebt 2023 – Wiil 12 jir ah oo reer California  ayaa macallimiintiisa ka barayey in biyo iyo caawimo la siiyo kahor inta aanu dhulka ku dhicin oo uusan dhimain intii lagu jiray fasalka jimicsiga kaddib markii lagu khasbay inuu ku ordo kulaylka 90-digrii F ee California isagoo xiran dhar aan ahayn kii saxda ahaa.

Yahshua ‘YaYa’ Robinson, oo ahaa arday dhigta dugsiga dhexe ee Canyon Lake ee Lake Elsinore, California, ayaa ku dhacay garoonka abbaaraha 11 subaxnimo Talaadadii wuxuuna noqday mid aan dhaqaaqaynin. Markii ay yimaadeen shaqaalaha gurmadka caafimaadku, waxay ula carareen isbitaalka, laakiin wiilka yar ayaa wadnuhu istaagay wuuna dhintay.

Amarna Plummer, oo ah wiilka eeddadiis, ayaa u sheegtay NBC Los Angeles in aanu u xirnayn dharka fasalkii uu xilligaa ku jirey ee jirdhiska, waxaana loo sheegay inuu u ordo si loogu ciqaabo in aanu soo qaadanin dharkaasi, kaddibna wuxuu bilaabay inuu xanuun dareemo.

Plummer oo niyad jabsan ayaa tiri, ‘wuxuu la hadlayey macallinka, isagoo sheegayey inuu u baahan yahay xoogaa biyo ah. Waxa uu sheegayey in aanu neefsan karin. Waxa uu sidaa u sheegay carruurtii ardayda ahayd.’

Waxa ay sheegtay in xaaladiisa ay aad uga sii dartay, kaddibna uu garoonka ku dhex dhacay.

At the time their son was on the field, temperatures soared in the low-to-mid 90 degrees. Plummer said her sister-in-law and Robinson’s mother is a physical education instructor in a different school district.

Waqtiga wiilkoodu garoonka ku ordayey, heerkulku wuxuu kor u dhaafayey ilaa dhexe 90 darajo. Plummer ayaa sheegtay in dumaashideed iyo Robinson hooyadeed ay lafteedu tahay macallin jirdhis oo wax ka dhigta dugsi ku yaalla degmo kale.

Plummer waxa ay intaa raacisay in Robinson hooyadii ay uga digtey maamulayaasha dugsiga kulaylka sidaa u badan khatartiisa, in kasta oo aanay caddayn maamulayaasha ay la hadashay.

Yahshua Robinson, 12, a middle schooler at Canyon Lake Middle School in Lake Elsinore fell down to the field around 11am on Tuesday and became unresponsive

Canyon Lake Middle School is where Tuesday's tragedy took place. The Lake Elsinore Unified School District issued a statement, stating in part, that they were 'deeply saddened to confirm the passing of one of our students due to a medical emergency'

Hadalsame Media