“Waxaad tahay digaagad!” – Musk oo ku faanay inuu Zuckerberg ka cabsaday inuu la dagaallamo + Dalka ay ku feertami lahaayeen?

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2023 – Aasaasaha Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa ka laabtay dagaalkii aadka loo buunbuuninayey ee bilyaneerrada kaasoo ka dhici lahaa Colosseum-ka hargaantiyada Roma, sida uu sheegay Milkiilaha X (Twitter-kii hore) Elon Musk.

Musk ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in Zuckerberg “uu diidEy” markii TIYAATARKII hore ee Roomaanka loosoo jeediyey inuu noqdo goobta lagu qabanayo feerkan usbuucii hore, xitaa wuxuu diidey inuu Musk kula dagaallamo giraanta tababarka daaradda gurigiisa, sida uu ku faanay.

“Waxaan u soo jeediyey gurigiisu inuu u yahay ‘meel nabdoon.’ Nasiib darro, balse wuu diidey'” Musk ayaa sii waday, isagoo soo jeedinaya in milkiilaha Facebook uu isaga dagaalkiisa ka caga jiidayo.

Zuckerberg wuxuu horay ugu eedeeyay Musk inuu yahay “mid aan dhab hadlayn” wuxuuna ku dhawaaqay inay tahay “waqtigii hore loo socon lahaa,” qoraal uu u soo dhigay barta Meta ay kula hardamayso Twitter ee Threads Axaddii.

“Elon wuxuu xaqiijin waayey taariikhda dagaalka, oo wuxuu sheegay inuu u baahan yahay qalliin, haddanawuxuu codsanayaa inaan kula feertamo daaradayda,” ayuu ka cawday Zuckerberg.

Maamulaha Meta ayaase albaabka u furay dhiggiisa X Corp, si kastaba ha ahaatee, isagoo qoraya, “Haddii Elon weligiis ay dhab ka noqdo taariikhda dhabta ah ee rasmiga ah, wuu garanayaa halka uu iga heli karo.” Ilaa iyo markaas, Zuckerberg wuxuu ballanqaaday “inuu diiradda saarayo la tartamidda dadka ay dhab ka tahay arrintu.”

Musk ayaa deeto ugu jawaabey Zuckerberg “dooro ayaad tahay.” isagoo ula jeeda waad baqaysaa.

Hadalsame Media