”Hadda dooddu ma aha ma dhici karaa mise maya” – North Korea oo saadaalisay inuu qarka saaran yahay dagaal nukliyeer ah

0

(Pyongyang) 16 Agoosto 2023 – Dunidu waxa ay in yar u jirtaa dagaal Nukliyeer ah, sida uu qabo Wasiirka Difaaca ee Kuuriyada Woqooyi, General Kang Sun-nam oo sidaa ku sheegay bayaan uu soo saaray, laguna soo bandhigay Shirka Amniga Caalamiga ah ee XI Moscow.

Sarkaalkan ayaa rabitaanka Washington ee isku dayga beddelka nidaamka ee Pyongyang ku sheegya mid kor u qaadaya xiisadda. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Maraykanka inuu kordhinayo joogitaankiisa millateri ee gobolka isagoo halkaa geeyey aaggaas diyaarado iyo gujisyo awood u leh xambaarista hubka nukliyeerka.

“Hadda, su’aashu maaha haddii dagaal nukliyeer ah uu ka dillaaci karo gacanka Kuuriya, laakiin waxa ay dooddu joogtaa cidda iyo marka uu bilaabmayo,” ayuu Kang ka digey.

”Sannadkan oo keliya, Maraykanku wuxuu u diray gobolka “hubka istaraatiijiga ah ee waawayn”, oo ay ku jiraan gujisyada leh awoodda nukliyeerka, maraakiibta diyaaradaha xambaara, iyo bamarrada awoodda u leh qaadiska nukliyeerka,” ayuu raaciyey.

Ciidanka Badda Maraykanka ee Carrier Strike Group 11, oo uu hoggaaminayo calan-sidehooda markabka USS Nimitz, ayaa yimid dekedda millateriga Kuuriyada Koonfureed dabayaaqadii bishii Maarso, wax yar kaddib markii Pyongyang ay soo bandhigtay hubkeeda nukliyeerka ah, kaasoo loo malaynayo in lagu xiri karo gantaalaha baallistic-ga ah ee masaafada gaaban.

Hadalsame Media