Haaland oo iska diidey qorshe uu ula yimid Paul Pogba + Waxa ka dhexeeya & Sababta diidmadiisa?

0

(Manchester) 16 Agoosto 2023 – Paul Pogba ayaa la sheegayaa inuu kiraynayo guriga ugu yaalla xaafadda hodanka ah ee Cheshire kahor fasal-ciyaareedka 2023-24 ee Serie A oo todobaadkan furmaya.

30-jirkan reer France ayaa gurigan ka bixiyey 3.5 milyan oo euro ($3.8 milyan USD) sanadkii 2016-kii goortaasoo ay Manchester United dib ugu iibsatey lacag qaali ahayd, ha yeeshee haatan oo uu laacibku joogo Juventus ayuu bishii ku doonayaa 32,000 euro.

Pogba ayaa la rumaysan yahay inay ku yara adag tahay iibinta guri uu doonayey inuu ku wareejiyo ciyaartooy badan oo Manchester City ka tirsan waayo waxay doorbidayaan inay ku noolaadaan bartamaha magaalada halkii ay u guuri lahaayeen Cheshire, oo ah meel deggan oo aad uga fog mashquulka waddooyinka waawayn ee magaalada.

Haaland oo ay Paul hal wakiil wadaagaan ayaa ka mid ah, balse Haaland waxaa uu doortay inuu dego meel u dhow makhaayadaha iyo dukaamada ugu fiican magaalada Manchester. Sidoo kale wuxuu doonayaa guri aan ka fogayn 40 daqiiqo marka cabbirka laga qaado xerada tababarka Man City.

“Paul iyo Haaland waa is yaqaannaan oo waxay wadaagaan hal wakaalad oo isku mid ah,” ayuu qof ku dhowi sanadkii hore u sheegay The Sun markii uu Haaland bilaabay inuu guri ka raadiyo Manchester.

Pogba iyo Haaland waxaa meteli jirey Mino Raiola kahor inta uusan dhiman, balse waxaa howshii sii wada wakaaladiisii iyo walaalkii.

Hadalsame Media