DAAWO: Ruushka oo CARWO yaab leh kusoo bandhigay hubka ay reer Galbeedku Ukraine siiyeen ee ay kasii qabsadeen + Dalalka sameeyey oo la magacaabay

0

(Moscow) 17 Agoosto 2023 – Boqolaal ka mid ah agab millateri ee culculus oo ay ciidamada Ruushku ku qabteen dagaalka Ukraine ayaa lagusoo bandhigay bandhig ballaaran oo lagu qabtay meel ka baxsan magaalada Moscow.

Booqdayaasha ayaa waxay daawan karaan hub kala duwan oo ay sameeyeen Ukraine iyo kuwa ay reer Galbeedku siiyeen NIDAAMKA Kiev. Halkan ka DAAWO….

The Russian Defense Ministry, which organized the event, said the exhibition includes everything from American M-113 armored personnel carriers and Swedish CV90-40’s to French wheeled AMX-10RCR tanks and Australian Bushmaster armored vehicles.

Muuqaallo lagu daabacay warbaahinta Ruushka ayaa muujinaya tobannaan nooc oo hub ah oo la safay goobta lagu magacaabo Beerta Waddaniga ‘Patriot Park’ oo ku taal galbeedka caasimadda Ruushka.

Wasaaradda Difaaca Ruushka, oo soo qaban qaabisay xafladda, ayaa sheegtay in bandhigga carwada lasoo dhigay min toowga Maraykanka ee M-113 ilaa gawaarida gaashaaman iyo Swedish-ka ee CV90-40, taangiyada French-ga ee AMX-10RCR iyo baabuurta gaashaaman ee Bushmaster ee Australia.

Sida ay wasaaraddu sheegtay, waxa munaasabadda sidoo kale lagu soo bandhigay qalab casri ah oo lagu farsameeyey dalka Ingiriiska, sida baabuurta gaashaaman ee Husky iyo Mastiff. Tilmaan la socota hubkan ayaa waxay sidoo kale hub kasta lagu dul qoray halka ay ku qabteen ciidamada Ruushka.

In ka badan 870 nooc oo hub ah oo ay qabteen ciidamada Ruushka ayaa lagu soo bandhigay bandhiggan.

Hadalsame Media