Waa kee Maamul-goboleedka ay DF Maraykanku dhulkiisa iska leedahay 86%? (Howl aysan shacabku ogayn oo halkaa ka socota)

0

(Hadalsame) 15 Agoosto 2023 – Dalka Maraykanka waxaa looga dhaqmayey nidaam Jamhuuri ah oo Federaal ah tan iyo markii dalkaasi uu xornimada ka qaatay Britain 1776-kii, taasoo ka dhigan in gobolladu ay leeyihiin maamul-goboleedyo leh awoodo ku xusan Dastuurka dhexe ee dalkaasi.

Yeelkeede, waxaa jira mid ka mid ah 50-ka Maamul-goboleed ee Maraykanka oo ay dhulkiisa DF Maraykanku iska leedahay 86%, taasoo aysan xitaa ogayn dad badan oo ka tirsan kuwa isla gobolkaa ku nool. Waa gobolka NEVADA.

Sida uu daraasadeeyey Geography By Geoff, waxaa arrintan u sabab ah dhowr arrimood oo ay ka mid tahay in gobolkani uu yahay mid inta badan guban iyo lama degaan ah, waxaana ku yar dadka tan iyo markii uu Maamul-goboleed rasmi ah noqday 1864-kii isagoo aan buuxinin shuruudihii lagu noqon lahaa maamul xilligaas oo uu dalkaa ka talinayey Abraham Lincoln, waayo waxaa loo baahnaa inay gobolka deggan yihiin 60,000 oo qof, balse waxaa degganaa 10,000 oo qura.

Waxaa Nevada oo ah gobolkii ugu horreeyey ee fasaxa khamaarka ku taalla magaalada arrintaa ku caanka ah ee Las Vegas, balse maadaama uu leeyahay dhul aad u ballaaran oo misna cidla ah waxaa inta badan weli gacanta ku haysa DF Maraykanka.

DF ayaa halkaa u adeegsata arrimo ay ka mid yihiin saldhigyo ciidan, tijaabinta hubka iyo xitaa goobta caanka ah ee AREA 51 oo ah xarun aysan shacabka Maraykanku xitaa ogayn waxa lagu qabto maadaama aan loo ogolayn warbaahinta iyo saxaafadda intaba. Xitaa miisaaniyadda ku baxda cid war u haysaa ma jirto, taasoo keenta inay kooxaha aaminsan aragti-dhagareedku ay ka sheegaan kun waxyaabood oo ay ku jiraan inay kusoo degaan waxa loo yaqaan ”Suxuunta Duusha” IWM.

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsame Media