”Chelsea ma aha wax qiyam & Taariikh leh” – Halyeey usoo ciyaaray Liverpool oo weerar ku qaaday Blues

0

(Hadalsame) 15 Agoosto 2023 – Halyeeyga Liverpool ee John Aldridge ayaa aad u canaantay Chelsea kaddib markii ay Blues kooxdiisii hore ku garaacday saxiixa laacibka Moises Caicedo.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ogolaatay heshiis £111 milyan ginni ah oo ay 21 jirkan kaga soo qaadan lahaayeen Brighton, balse xiddigga heerka caalami ee dalka Ecuador ayaa diiday Reds si uu ugu biiro kooxda Stamford Bridge.

Chelsea ayaa xaqiijisay heshiis jebiyey rikoorka Ingiriiska oo dhan 115 milyan oo ginni oo ay kulasoo wareegtey Caicedo Isniintii, taasoo dhabarjab wayn ku ah Liverpool oo si ba’an u raadinaysa laacib khad dhexe ah oo raace ah kahor xiritaanka suuqa kala iibsiga.

Aldridge, oo u dhaliyey 63 gool 104 kulan oo uu u saftay Reds dhamaadki 1980-meeyadii, ayaa dhaleeceeyey Chelsea isagoo ku adkaystay in Liverpool ay aad uga wayn tahay kooxda Blues oo gaartey guulo ay iibsatey, sida uu yiri.

64-sano jirkaan ayaa u sheegay Liverpool Echo: “Islamarkii uu ciyaaryahanku caddeeyey inuu doonayo inuu Chelsea ka doorbiday Liverpool, ma aanan rabinba. Aad ayaan uga wayn nahay inta ay Chelsea gaari karto waligeed.”

“Arrintani aniga waxba iima yeelin sidii markii (Fernando) Torres uu naga tagay si uu halkaas u aado, taasi waxay ahayd mid calool xanuun igu beertay. Markii aan joogey Oxford United, waxaan Chelsea garaacnay seddex jeer afar bilood gudahood.” ayuu isku qanciyey ALDRIDGE.

Aldridge oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jeediyEy in qaab nololeedka London uu Yahay mid aad u soo jiitey Caicedo balse wuxuu ku celceliyey in Chelsea aysan lahayn ‘taariikhda’ ay Reds leedahay.

Si kastaba, Chelsea ayaan intaa uga harine waxay sidoo kale Reds ku haystaan Roméo Lavia oo isna go’aansaday inuu ku biiro Chelsea, iyadoo la dhameeyey tibxaha heshiiska.

Aldridge also said 'good riddance' at Caicedo's decision to join Chelsea over Liverpool

Hadalsame Media