Taageere haddiyad qaali ah siiyey Fabinho ciyaartii shalay kaddib & Arrin lama filaan ah oo markiiba dhacday (Daawo)

0

(Riyaad) 15 Agoosto 2023 – Xidiggii hore ee Liverpool ee Fabinho ayaa waxaa la guddoonsiiyey saacad Rolex ah kaddib bandhiggiisii wacnaa ee uu ka dhigay kulankii kooxdiisa ka dheesha Saudi Pro League ee Al-Itixaad habeenimadii Isniintii.

29-sano jirkaan ayaa dhamaystiray heshiis £40 milyan ginni ah oo uu kaga soo dhaqaaqay Reds bishii hore, waxaana uu si dhaqsi ah ugu muuqdaa mid durba la qabsaday nolosha Khaliijka isagoo kooxdiisa ka caawiyey inay 3-0 ku badiyaan.

Bandhiggiisa ayaa ahaa mid xusid mudan waana sababta keentay in hal taageere uu joojiyo markii uu garoonka ka baxayey, wuxuuna hadiyad ahaan u siiyay saacad qaali ah oo Rolex ah, taasoo uu ku farxay inuu aqbalo.

Nasiibdarro se xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaan saacada qaaliga ah si ammaan ah oo sugan ugu xirin gacantiisa, taasoo keentay in saacaddu ay islamarkiiba dhulka ku dhacdo.

Dhowr ilbiriqsi oo walaac ka muuqdo kaddib ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa taageerihii u muujiyey in waxyeello halis ahi aysan saacadda la gaarin.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Live on Social (@liveonsocial)

Hadalsame Media