MA NOOLAAN KARO LA’AANTAA: Ma dawadii jacaylka ayaan dhulka hooyo ka dhex helay?!

0

(Hadalsame) 08 Agoosto 2023 – Tolow ma dawadii jacaylkaan dhulka hooyo ka dhex helay?

Inan baa ku soo wici. Suu ku dhihi walaal ma lagu qabaa? Waan kaa helay. Biyahaan kaa dhex arkay. Jacaylkaagaan sakaraad la ahay. Nuura nafta u rooneey dartaa baan u seexan la’ahay.

Suu warkaa u dhurayo, ood jacaylka dag daga ah iyo jajabnidiisa aad uga yaabantahay, ayunbuu ku dhihi, “Haye, goormaad noqonaysaa?”

Markaasaad dhihi, “Waan soo guurayoo maba noqon rabo.”
Suu dhihi, “Ma diboo danbe?!”
Saad dhihi, “Haa, aniga iska daaye faracayga xitaa qurbe uma wado.”
Cishadaasaa kuugu danbayn, Ilaahay amarkii abuteedkii ka xidhnaa si dhakhsuu ugu furmi. Fay buu dhihiyoo sakaraadkii hayay wuu ka dawoobi. Hurdadiina durba way u soo noqon. Biyo iyo baad danbana lagaa dhex arki maayo

Ma dawadii jacaylkaan ka dul dhacay? Mise qaranjoogoow gacalayaal si kalaad wax u wadaan?

W; Q: Faaduma Yuusuf

Hadalsame Media