KA FAA’IIDAYSO: 11 cilladood oo ay dawo u yihiin miraha filfishu

0

(Hadalsame) 08 Agoosto 2023 – Filfisha waxaa loo yaqaannaa “black gold” oo macnaheedu tahay dahabka madow. Waa mid ka mid ah xawaashyada ugu taariikhda fog, waxaana uu aadamuhu muddo dheer u isticmaali jiray cunno ahaan iyo dawo ahaan.

Filfishu keliya ma wanaajiso dhadhanka cunnada balse waxay kaloo xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin.

Filfishu asal ahaan waxa ay ka soo jeeda wadanka Hindiya.

Maanta dalka ugu badan ee soo saara filfisha waa wadanka Vietnam, 39% ayuu soo saaraa filfisha dunida laga isticmaalo, halka dalka Indonesia uu saaro 15%, waxaa ku soo xiga wadamada Brazil iyo India oo soo saara 10%.

Filfisha waxaa ku jirta maado loo yaqaanno “Piperine” oo ah tan u samaysa dhadhankeeda kulul, sida oo kale, maadadan ayaa sabab u ah faaidooyinka tirada badan ee filfishu ay xambaarsan tahay.

Peperine waaa sunsaare awood leh taas oo yareysa halista cudurrada raaga sida xanuunka xannibo xididada ee loo yaqaanno “atherosclerosis”, cudurada wadnaha iyo cillada maskaxda.

Cunno shiidista iyo caafimaadka mindhicirrada:

Filfishu waxa ay ka shaqaysiisa aashitada caloosha ee loo yaqaanno “hydrochloric acid”, taas oo caawisa cunno shiidista iyo in jirku uu cunnada kale si fiican u nuugo . Sida oo kale waxay yareysaa raaxa darrada iyo hawada ku uruurta mindhicirrada.

Difaaca jirka:

Filfishu waxay awood siisaa difaaca jirka. In difaaca jirkaagu uu xoogganaado waxa ay kaa ilaalinaysaa xanuunada. Walxaha filfisha ku jira waxa ay xoojiyaan unugyada dhiigga cad, taas oo jirku uu u adeegsado la dagaallanka bakteeriyada iyo fayraasyada.

Sun-saarista:

Sunta oo jirka ku badataa waxa ay keentaa cillado badan oo caafimaad. Waxaa lala xiriiriyaa hurka, cimri degdega, wadne xanuunka iyo noocyo cudurka kansarka ka mid ah. Filfishu waxa ay leedahay awood sunsaaris, waxayna ka hortagtaa dhaawaca ay suntu u geysan karto xubnaha jirka.

Kobcinta shaqada maskaxda:

Daraasado dhowr ah oo lagu sameeyay xayawaan, waxaa lagu arkay in maadada “piperine” ay hagaajiso xasuusta. Si gaar ah waxaa la arkay in faaido u leedahay astaamaha la xiriira cudurrada maskaxda sida cudurka Alzheimer iyo laleemada.

Daraasad lagu sameeyay aadamaha waxa ay iftiimisay in uu xiriir ka dhexeeyo cudurka Alzheimer iyo heerka maadada “piperine”

Miisaan dhimista:

Filfisha waxaa ku badan maadooyinka “phytonutrients” oo burburiya unugyada dufanka sameeya.

Hargabka:

Filfishu waxa ay u wanaagsan tahay hargabka iyo ifilada. Waxa ay soo saartaa xabka iyo duufka keena qufaca iyo hindhisada badan, sidaas awgeed waxaa haboon in dadka hargabka qaba ay cabaan maraq ama shaah filfil leh.

Nafaqo:

Filfishu waxa ay hodan ku tahay walxo faaido ugu jirto caafimaadka sida maadooyinka “piperine” iyo “chavicine”. Sida oo kale, waxaa ku jira maadooyin jirka sunta ka saaro sida flavonoids, saliid iyo “phenols” kuwaas oo unugyada ilaaliyo, caafimaadka dheefshiidkana kor u qaada.

Waxa kale oo filfisha ku jira macdano iyo fitamiinno ay ka kid yihiin: fitamiin K, fitamiin A, fitamiin E, fitamiin B1, fitamiin B2, fitamiin B5, manganese, xadiid, potassium, calcium, phosphorus iyo zinc.

Macdanta “manganese” ee ku badan filfisha waxa ay caawisaa caafimaadka lafaha, bogsashada dhaawacyada iyo habka dheefsiga cunnada ee jirku uu kaga faaidaysano nafaqada.

W; D: Hirsi Ahmed

Hadalsame Media