(Hadalsame) 08 Agoosto 2023 – Hanti-dhowraha guud ee dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa soo saaray warbixin baaritaan oo ay ku sameeyeen 15 hay’ad iyo 3 safaaradood oo Soomaaliya ay leedahay.
Kadib shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu shalay ku qabtay ayuu ku sheegay in baaritaankooda ay ku sameeyeen hay’adaha ay ku ogaadeen khaladaad dhinaca dakhliga ah oo dhacay.
Wuxuu sheegay in baaristu ay khuseeynaysey sanadkii tegey ee 2022-kii wuxuuna sheegay inay qaarkood wax soo iibsadeen iyagoo aan raacin sharciga iibka iyo qandaraasyada oo waafaqsan sharci soo baxay 9-kii Agoosto 2016-kii.
”Xafiiska Hanti-dhowrku wuxuu baaray sidii ay u isticmaaleen miisaaniyaddii uu Baarlamanku u meelmariyey, waxaana soo baxday inay qaarkood khalad sameeyeen,” ayuu ku bilaabay Guutale.
Wuxuu xusay in lacag dhan ilaa 3 milyan oo Doollar oo ay qabteen safaaradaha Somalia ee ku kala yaalla Kenya, Jarmanka iyo Turkigu aysan kusoo shubin khasnadda rasmiga ah ee DF Somalia.
Waxaa kale oo uu sheegay inaysan safaaradahani raacin nidaamka tarriifooyinka, halka qaarkood ay gacmaynayeen lacago kaash ah si aan waafaqsanayn nidaamka maaliyadda ee rasmiga ah.
Warbixin arintaasi ku saabsan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Hadalsame Media