(Gondar) 08 Agoosto 2023 – Maleeshiyada gobolka Axmaarada ee Itoobiya ayaa doonaya inay afgembiyaan labada Dowladood ee tan gobolka iyo Federaalkaba, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Sirdoonka iyo Adeegga Amniga Qaranka (NISS), Temesgen Tiruneh, kaddib markii uu dagaal socdey maalmo dhowr ah.
Nidaamka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo socon doonta muddo lix bilood ah Jimcihii kaddib dagaallo xoogan oo u dhexeeya maleeshiyaadka FANO iyo Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ee ENDF, dagaalkaas oo bilowday horraantii todobaadkan.
Residents of Gondar, Amhara’s second-largest city, told the media that they heard heavy-weapons fire into the early hours of Monday.
Dhaqtar ku sugan magaalada Debre Tabor ayaa todobaadkii hore warbaahinta u sheegay in inta uu ogyahay in ka badan 12 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen rasaasta iyo hubka culus intii uu socdey dagaalka.
Duullimaadyada ayaa la hakiyay Talaadadii, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha, kaddib markii dagaalyahannada FANO ay la wareegeen gacan ku haynta Garoonka Diyaaradaha ee Lalibela, oo ah goob u diiwaangashan UNESCO.
Dadka ku nool magaalada Gonder oo ah magaalada labaad ee ugu wayn gobolka Axmaarada ayaa iyana warbaahinta u sheegay inay maqleen hubka culculus saacadihii hore ee shalay oo Isniin ahayd.
Agaasimaha Guud ee Tiruneh oo ah Madaxa Fulinta xaalad deg deg ah oo lagusoo rogey gobolka Axmaarada ayaa qirtay Axaddii in kooxahan hubaysani ay la wareegeen qaar ka mid ah degmooyinka iyo magaalooyinka gobolka.
Maleeshiyada FANO ee Axmaarada ayaa xulufo la ahayd Ciidanka ENDF ee DF Itoobiya labadii sano ee dagaalka sokeeye ee ka socdey gobolka Tigraay ee deriska la ah.
Hadalsame Media