Waxtarka Fitamiin E caafimaadka u leeyahay & Cunnooyinka hodanka ku ah ee laga helo

0

(Hadalsame) 1 Luulyo 2023 – Fitamiin E waa mid ka mid ah nafaqooyinka aasaasiga ah ee jirku uusan ka maarmi karin. Waa fitamiin ku milma dufanka waana sunsaare awood badan oo unugyada jirka ka ilaaliya sunta jirka ku dhex samaynta, taas oo hadii aan laga hortagin keeni karta cudurro badan sida cudurrada wadnaha ku dhaca iyo kansarka.

Fitamiinkani waxa uu xoojiyaa habdhiska difaaca jirka, waxa uu ka qeyb qaataa samaysanka unugyada dhiigga cas, waxaana uu ka hortagaa xinjiroobista dhiigga. Sida oo kale, fitamiin E waxa uu door wayn ka ciyaaraa caafimaadka maqaarka, indhaha iyo maskaxda.

Faa’iidooyinka fitamiin E:

  • Waxaa uu siyaadiyaa aragga, waxaana uu ka hortagaa cilladaha indhaha ku dhaca
  • Shaqada beerka iyo kilyaha ayuu wanaajiyaa
  • Xoojinta lafaha ayuu ka qeyb qaataa
  • Wuxuu sare u qaadaa shaqada maskaxda.
  • Waxa uu awood siyaa difaaca jirka
  • Waxa uu kobciyaa caafimaadka maqaarka iyo timaha
  • Waxaa uu kordhiyaa tayada shahwada waxaana uu wanaajinta bacriminta ragga

Cunnooyinka laga helo fitamiin E:

Dadka waa waa weyn waxa ay u baahan yihiin 15 mg oo fitamiin E ah maalin kasta.

FG: Fadlan la tasho khabiir caafimaad ka hor intaadan qaadanin kiniinka fitamiin E.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media