Maraykanka oo markii ugu horreeysey tan iyo 1980-kii hub nukliyeer ah geeyey Kuuriyada Koonfureed & Xaaladda oo cakiran

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2023 – Kuuriyada Woqooyi ayaa laba gantaal oo baalistig ah ku riddey Badda Japan, iyadoo soo bandhigtay awood kale oo ku aaddan hubkeeda istaraatiijiga ah xilli ay sii kordhayso xiisadda Nukliyeerka ah ee kala dhexeysa Washington.

Labada gantaal ayaa saaka oo Arbaco ah lagasoo tuuray degaanka Sunan, ee woqooyi bari Pyongyang, waxayna socdeen 550-600 kiiloomitir (340-370 mayl) kahor intaysan ku dhicin Badda Japan (Badda Bari ayay u yaqaannaan labada Kuuriya). Waxay gantaalahani kor u kaceen oo hawada galeen joog dhan 50 kiiloomitir.

Tijaabadan ugu dambaysey ayaa timid hal maalin uun kaddib markii uu GUJISKA USS Kentucky uu kusoo xirtay dekedda Busan, taasoo calaamad u ah markii ugu horreeysey ee jasiirad u ekahan uu Maraykanku geeyo hubka Nukliyeerka ee Mareykanka tan iyo 1980-meeyadii.

Gujiskan heerka Ohio ayaa waxa uu qaadi karaa ilaa 20 gantaal oo baalistig nukliyeer xambaarsan ah oo ah nooca Trident II D5 ee isaga kala goosha qaaradaha ama ICBM.

Wasiirka Difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ee Lee Jong-sup ayaa Talaadadii ku faanay in “soo dirista maraakiibtan leh awoodda gantaalaha ballistic-ga ee ku shaqeeya nukliyeerka ee Maraykanka (SSBNs) ee gacanka Kuuriya ay tusaale u tahay ficilka muujinaya in Maraykanku uu kordhin doono ka-hortagga Jamhuuriyadda Kuuriya Woqooyi.

Hadalsame Media