”Haddii Putin la xirto waa ku dhawaaqid dagaal” – Caqabad hor leh oo ka taagan shir uu ka qaybgeli rabo Putin

0

(Pretoria) 18 Luulyo 2023 – Madaxwaynaha Koonfur Afrika ee Cyril Ramaphosa ayaa ka digey in fulinta amarka lagu soo xirayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ee Vladimir Putin marka hoggaamiyaha Ruushka uu ka qaybgalo shirka BRICS ee bisha soo socota ka dhacaya Johannesburg ay noqon doonto “ku dhawaaqidda” dagaal ka dhan ah Moscow.

“Ruushku waxa uu si cad u sheegay in xariga Madaxwaynahooda xilka haya ay noqon doonto ku dhawaaqid dagaal,” Ramaphosa ayaa sidaa ka sheegay gal maxkamadeed oo la sii daayey Talaadaddan.

“Waxay noqon doontaa mid aan waafaqsanayn dastuurkeenna haddii aan khatar u galno dagaal nooga yimaada Ruushka.” Wuxuu intaas ku daray in tillaabadani oo kale ay sidoo kale fashilin doonto waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta dadka Koonfur Afrika.

Ka xubin ka tirsan ICC ahaan, Koonfur Afrika waxaa looga baahan yahay inay u hoggaansanto amarrada maxkamaddaasi, taasoo uu ku jiro xukunkii Maarso ee Putin lagu eedeeyey dembiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, waddanku wuxuu sidoo kale yahay xubinta martigelinaysa shirwaynaha BRICS ee sanadkan, waxayna isku dayayaan inay sii wadaan xiriirka wanaagsan ee Ruushka.

Ramaphosa has resisted US pressure to condemn Moscow over the conflict in Ukraine, maintaining neutrality on the issue, and has suggested that NATO’s eastward expansion helped trigger the crisis

Ramaphosa ayaa iska caabiyey cadaadiska Maraykanka oo ka doonayey inuu ku dhaleeceeyo Moscow weerarka Ukraine, isagoo ilaalinaya dhexdhexaadnimada arrinta, wuxuuna soo jeediyey in is ballaarinta dhanka bariga ee NATO ay gacan ka gaysatey kicinta xiisadda.

Hadalsame Media