“Malabku waa nimcada ugu horreeysa ee insaanka laga qaadi doono” – Ka faa’iidayso dhowr xaqiiqo oo ku saabsan

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2023 – MALABKA SHINNIDA Hal kiilo oo malab ah wuxuu la mid yahay: 5 kiilo oo caano ah, 26 xabbo oo moos ah, 60 xabbo oo liin macaan ah, 50 xabbo oo ukun ah, 11 kg oo hilib ah, 12 kg oo khudaar ah.

Si loo sameeyo hal kiilo oo malab ah, waxaa howshaas qabta 300 oo shinni ah, iyagoo 40 kun oo jeer safra si ay malabkaas u diyaariyaan.

Malabku wax uma dhimo ilkaha sida ay sonkortu u burburiso ilkaha.

Shinnidu waxay noolaataa dhowr bilood, halka ay boqoradda shinnidu noolaato ilaa 6 sano.

Malabku wuxuu ka soo baxaa shinnida afkeeda, Nimcada ugu horeysa ee dhulka laga qaadi doono waa malabka.

W; D: Mustafe Cawil Xasan

Hadalsame Media