Arrin ay dad badani shaki hor leh ka muujiyeen oo kasoo korortay shilkii diyaaradda Halla Airlines (Daawo)

0

(Muqdisho) 11 Luulyo 2023 – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HRDS) ayaa war kasoo saartay shil diyaaradeed oo goor sii horreeysey ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda Duulista ayaa sheegtay in diyaaradaas oo nooceedu ahaa E120 ay u shaqaynaysey shirkadda Halla Airlines, islamarkaana ay ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ee garoonka, iyadoo markii hore kasoo duushay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Hay’adda ayaa shaacisay in shilka diyaaradan aysan jirin cid wax ku noqotay inta aan ka aheyn dhaawac yar, ayna weli socdaan baaritaan ku saabsan shilkaas maanta dhacay.

“Diyaaradda waxaa saarna 34 ruux oo isugu jira shaqaale iyo rakaab mana jirto cid wax ku noqotay inta aan ka aheen dhaawac yar. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay wali ku guda jirtaa baaritaanka ku saabsan shilkaas.” ayaa lagu yiri War Saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Yeelkeede, waxaa jirta arrin shaki dhalisay oo ah xagasha muuqaal laga duubay shilka diyaaradda, kaasoo markii hore lagu sheegay muuqaal CCTV ah, balse marka aad eegto aad u jeeddo inay tahay kaamiro qof gacanta ku hayo oo dhaqdhaqaaqaysa.

Kaamirooyinka CCTV-ga laftoodu waxay leeyihiin qaar humaagga dadka iyo shanqarta ku shaqeeya oo war wareega, balse ma ruxmaan maadaama ay leeyihiin fadhi sugan.

Waxaa kale oo xiise leh in kaamaradu ay u muuqato mid cabbaar sugaysa waxa dhici doona xitaa kahor inta aysan diyaaraddu ka bixin jidka. Dad badan ayaa baraha bulshada durba ka bilaabay dood arrintan ku saabsan.

Hadalsame Media