Ruushka oo si tarab tarab ah usoo saaraya gantaal ay reer Galbeedku aad uga cabsadaan

0

(Moscow) 11 Luulyo 2023 – Gantaalka guuxiisa ka dheereeya ee Ruushku ee Kinzhal ayaa waxaa bilowday in loo soo saaro si ballaaran, waxaana hadda lasoo saaray tiro ku filan oo lagu dabooli karo baahida millateriga dalkaasi, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ururka difaaca ee Rostec.

Hubka ayaa loo arkaa mid aanay macquul ahayn in hawada lagu qabto, inkastoo Kiev ay sheeganayso inay soo rideen qaar badan oo ka mid ah gantaalahan.

“Markii hore, wax-soo-saarkeennu wuxuu ahaa xad [hadba ku xiran baahida] si aan si buuxda ugu dhammaystirno cilmi-baarista iyo horumarinta gantaalkan, laakiin hadda waxaan u dhaqaaqnay wax-soo-saarka taxanaha ah si dhab ah,” ayuu yiri Vladimir Artyakov, oo ah ku xigeenka madaxa shirkaddan ay dowladdu leedahay oo la hadlay telefishinka RT.

“Marka, wax kasta oo ay Wasaaradda Difaacu ay naga codsato, waxaan ku samaynaa taas si tayo leh waxaana gaarsiinnaa tirada ay markiiba u baahan tahay.” ayuu raaciyey.

Nidaamyadan guuxooda ka dheereeya sida gantaalka Kinzhal lama qaban karo, taasoo liddi ku ah sheegashada Ukraine, ayuu Artyakov ku dooday. Odhaahda Kiev waa “qayb ka mid ah dadaalka dacaayadda cadawgeenna.” ayuu yiri.

Kinzhal waa gantaal aeroballistic ah oo laga soo ridi karo degello mucayin ah, sida MiG-31. Waxaa sidoo kale laga gani karaa dhulka, maraakiibta caadiga ah iyo gujisyada.

Hadalsame Media