Maxaad ka taqaan halka uu Soomaalida uga yimaado maandooriyaha kansarka laga qaado ee dhallinyaradda ku dhex faafay?

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2023 – Taabuuga waa nooc ka mid ah tubaakada aan qaaca lahayn, waxaa loo yaqaannaa Chewing Tobacco (tubaakada la calaliyo), ama Snustobbacco iyo Smokelles tobacco.

Tubaakada la calaajiyo waa mid caan ah oo ka mid ah kuwa aan qiiqa lahayn, wuxuuna isticmaalkeedu ku badan yahay bulshooyinka qaaradda Aasiya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa la sheegay in isticmaalkiisa uu ku batay dhalinyarada Soomaalida, oo rag iyo dumarba isugu jira, Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) agaasimaha isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Waa tubaako afka la gashto laakiin tubaakada caadiga ah ayaa wuxuu uga duwan yahay muuqaalka iyo dhadhanka, wuxuuna ku jiraa bac sijil ah, wuxuu shabbahaa nacnaca, wuuna ka jaban yahay tubaakada ama sigaarka, waxaa sahlan in qof walba uu iibsado.

Alaabo badan oo tubaakadu ay ku jirto laguma sheego oo lama qeexo inay ku jirto.

Dadka ayaa laga yaabaa inay cunaan waxyaabo aysan waxba ka ogeyn.

Xarunta Nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ee Hiil oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho, ayaa daraasad ay dhowaan ka sameeyeen isticmaalka maandooriyaha iyo ardayda degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxay ku xuseen in taabuugu ka mid yahay maandooriyeyaasha ugu badan ee ay dhalinyaradu isticmaalaan.

Sida uu Soomaaliya ku soo galo

Taabuu

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Taabuuga laguma beero dalka Soomaaliya, balse wuxuu ka yimaadaa wadamada caalamka, sida uu daraasaddiisa ku xusay Dr Jalaaludiin.

Dalalka uu berigii hore ka imaan jiray waxaa ka mid ah Kenya, oo la soo raacin jiray diyaaradaha qaadka, balse wuxuu sheegay in haatan si toos ah looga keeno dalka Hindiya, isaga ka soo gala dekadaha waaweyn ee uu leeyahy dalka.

Wuxuu dhaqtarku sheegay in meesha ugu badan ee uu ka soo dego ay tahay dekadda Muqdisho, marka Soomaaliya la eegana, halka ugu badan ee laga isticmaalo ay tahay magaalada Muqdisho.

Hindiya waa mid ka mid ah dalalka ugu badan caalamka ee laga isticmaalo taabuuga.

“Cilmi baaris laga sameeyay dalka Hindiya ayaa sheegaysa in 40kii ilbiriqsiba uu qof u geeriyoodo dhibaatada taabuuga, sidaasi waxaa ku socda dadka ku nool magaalada muqdisho haddii and wax laga qabanin oo ay dowladda qaadin tallaabo looga hortagayo halista taabuuga.” Ayuu daraasaddiisa ku yiri Dr Jalaaludiin.

Xarunta Hiil ayaa ardaydii horay u sheegay inay isticmaalaan maandooriyaha marka ay weydiisay meesha ay ka helaan marka ay u baahdaan isticmaalka maandooriyayaha, badankooda oo ah 51 una dhiganta (52%) ardayda la wareystay, waxay sheegeen in ay ka helaan dukaamada yaryar oo inta badan cooshado ah. (22%) waxay sheegeen inay ka helaan asxaab, maaddaama aysan rabin in la arko ayaga oo gadanaya maandooriyaha.

Sidoo kale 15 iyo 10 arday oo u kala dhiganta 16%), iyo (11%), waxay sheegeen inay ku helaan si bilaasha ah iyo qoyska dhexdooda.

BBC

Hadalsame Media