Ruushka oo hadda qirtay arrin qarsoodi ah oo aad loo qarinayey & Waxa dhacay

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2023 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa si qarsoodi ah ula kulmay madaxa shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, Evgeny Prigozhin, dhowr maalmood uun kaddib markii kooxdu ay joojisey amar diiddo ciidan kaddib heshiis dhexdhexaadin ah oo ay Belarus gacan ka gaysatey, sida uu iminka sheegay Xoghayaha Warfaafinta Kremlin-ka, Dmitry Peskov.

Isagoo la hadlayey saxafiyiinta, Peskov ayaa xaqiijiyey warbixin uu qoray wargayska Faransiiska ee Liberation, kaasoo sheegayay in hoggaamiyaha Ruushku uu la kulmay madaxa Wagner.

“Madaxwaynuhu waxa uu qabtay kulan. 35 qof ayaa lagu martiqaaday – dhammaan taliyayaasha cutubyada iyo maamulka shirkadda, oo uu ku jiro Prigozhin laftiisu, “ayuu yiri. Sida laga soo xigtey afhayeenka, kulanka ayaa ka dhacay Kremlin-ka 29-kii Juun wuxuuna socdey ku dhowaad 3 saacadood.

Peskov ayaa intaa ku daray in Madaxwaynuhu uu sameeyey “qiimaynta ficillada shirkadda” intii lagu jirey dagaalka Ukraine, wuxuuna ka hadlay qiimayntiisa dhacdooyinkii 23-kii Juun, maalintii ciidamada Wagner ay ku sigteen inay weeraraan Moscow.

“Putin wuxuu dhegeystey sharraxaadaha taliyayaasha wuxuuna u wadacay inuu lasii shaqayn doono iyaguna ay sii shaqaynayaan,” ayuu yiri Peskov.

Waxa uu intaa ku daray in taliyayaasha Wagner ay bixiyeen xogtooda ku saabsan sababta keentay amar diiddada, iyagoo ku nuux-nuux saday inay yihiin taageereyaal adag iyo askar aqbalsan amarka madaxa Dowladda Ruushka, ayna diyaar u yihiin inay u dagaallamaan dalka hooyo mustaqbalka.

Bishii Juun 23, Prigozhin wuxuu wacad ku maray inuu ka aargoosan doono DF kaddib markii uu ku eedeeyey Wasaaradda Difaaca Ruushka inay gantaal halis ah ku garaacday xerada Wagner.

Hadalsame Media