Turkiga oo ogolaaday inay Sweden kusoo biirto NATO & Shuruud cusub oo uu wato

0

(Ankara) 10 Luulyo 2023 – Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa caqabad lama filaan ah hor dhigay qorshaha Joe Biden ee ku aaddan ka mid noqoshada Iswiidhen ee NATO, isagoo ku dhawaaqay inuu doonayo in codsiga Turkiga ee ku biirista Midowga Yurub lagu daro xirmada ay Sweden kula biirayso NATO marka lagu daro shuruudihii hore ee argagixiso la dirirka iyo mamnuucidda ururrada Kurdiga.

Isagoo ka hadlayey garoonka diyaaradaha kahor inta uusan u dhoofin shirka NATO ee magaalada Vilnius ee dalka Lithuania, Madaxwaynaha Turkiga ayaa yiri: “Marka hore waa inaan u gogol xaarno Turkiga oo gala Midowga Yurub, kaddibna waxaan u gogol xaaraynaa Sweden sidii aan u samaynay Finland”.

“Sweden waxay noqon doontaa xubin buuxda oo ka tirsan isbahaysiga,” Stoltenberg ayaa sidaa sheegay kahor shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha NATO oo bilaabanaya Talaadada.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa ka shaqaynayey heshiis afar wadan ah oo horseedaya in Turkigu ay Sweden u ogolaato NATO si looga iibiyo diyaaradaha F-16 ee Maraykanka oo ay doonayso Ankara, isagoo shuruud ku xiray inaan loo isticmaalin hanjabaadda Giriiga.

Hadalka Erdoğan waxa uu soo jeedinayaa in dadaallada diblomaasiyiintu ay wadaan kahor shir madaxeedka si meesha looga saaro diidmada qayaxan ee Turkiga ee ku aaddan xubinnimada Iswiidhen ee NATO uu noqon doono mid ka sii adag sidii la filayey.

Turkey ayaa tan iyo 1987-kii ku jiray wada hadallo ku saabsan ku biiridda Midowga Yurub balse reer Galbeedka ayaa ku andacoonaya in Turkigu uu ku tunto xuquuqul insaanka taasoo su’aal laga keenay, balse dad badan ayaa aaminsan in kaliya loogu diiddan yahay inay yihiin dal Muslim ah.

Hadalsame Media