”Waxay nagu rideen dambaaburo” – Maraykanka oo si calaacal u eg uga hadlay arrin ay ku sameeyeen miigagga Ruushku (Daawo)

0

(Hadalsame) 07 Luulyo 2023 – Millateriga Maraykanka ayaa ku eedeeyey diyaaradaha dagaalka Ruushka inay markale ku kaceen dhaqan “aan badbaado lahayn” maalintii labaad, iyaga oo ku andacoonaya inay “si khatar leh ugusoo dhowaadeen” diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee American-ka ee Reaper intii lagu jirey howlgal ay ka wadeen Suuriya.

Qaybta adeegga Hawada ee Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM), Ciidamada Cirka ee Bartamaha, ayaa wadaagey muuqaallo la sheegay in la duubay Khamiistii, iyagoo sheegay in diyaaradaha Ruushku ay rasaas badan ku rideen horta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 iyagoo “si khatar leh u duulaya, taas oo halis gelisey ammaanka dhammaan diyaaradahaasi.”

Muuqaalkan kooban ayaa muujinaya wax u muuqda diyaarad dagaal oo UU Ruushku leeyahay oo DAMBAABURAHA digniinta ku ganaysa meel u dhow diyaarada aan cidina wadin ee Maraykanka kahor inta aanay khadka ka leexan, iyadoo madaxa ciidamada Cirka ee bartamaha Lt. Gen. Alex Grynkewich uu dhacdadan u arkayey “tusaale kale oo aan xirfad iyo ammaan toona lahayn oo ay qaadeen ciidamada cirka ee Ruushka ee jooga Suuriya.”

”Markii 2-aad oo xiriir ah, diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa dhaqan aan xirfad lahayn kula kacay diyaaradaha Maraykanka ee marayey hawada Suuriya. Fadlan daawo muuqaalka iska horimaadka.” ayaa lagu qoray muuqaalka kasoo baxay Taliska Dhexe.

Hadalsame Media