Sirdoonka Kenya oo ku meeraysanaya Somalia (Muqdisho & Magaalo kale oo ay…)

0

(Muqdisho) 07 Luulyo 2023 – Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuradiin Yusuf Xaaji ayaa saaka booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyada uu soo dhoweeyay Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Mahad Salaad

Booqashadan ayaa ah tii u horreysay oo Muqdisho ku tago, iyadoo maalmo ka hor uu Taliyaha Sirdoonka Kenya uu booqasho qarsoodi ku tagay magaalada Kismaayo.

Labada hey’adood ee Sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona iskaashiga u dhaxeeya iyo la dagaalanka argagixisada.

Bishii hore ayay Sirdoonka Kenya xireen Ganacsade reer Mombasa ah, kaasoo lala xiriirinayo inuu ku lug lahaa labo shixnad oo isugu jira qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo bilo kahor lagu qabtay dekedda Muqdisho.

Kahor inta aan la xirin Ganacsadahan laanta la dagaalanka Argagixisada Kenya ATPU waxay xog ku heshay in ninkaan uu taageero saadka ah u fidin jiray Al-Shabaab, isla markaana uu qeyb ka ahaa konteenaro laga shakiyay oo laga keenay Shiinaha uu geeyay Soomaaliya.

W; D: Cabdicasiis Gulf Yare

Hadalsame Media