(London) 07 Luulyo 2023 – Rio Ferdinand ayaa sii shiday colaaddii kala dhaxaysey Jamie Carragher kaddib markii uu ku eedeeyey laba wajiilenimo ciyaartooygii hore ee Liverpool oo mawaaqif is dhaafsan ka muujiyey laacibiinta ku biiraysa horyaalka Saudi Arabia ee kubada cagta.
Maalgelinta Dowladda Sucuudigu ku samaynayso kooxaha kubbadda cagta iyo ciyaartooyga ay qaaliga ku qaadanayso ayaa noqotay hadal-hayn muhiim ah oo ku cusub dunida kubadda cagta.
N’Golo Kante, Karim Benzema iyo Ruben Neves ayaa ka mid ah ciyaartooyga ugu waawayn ee ku biiray Saudi Pro League xagaagan, laakiin isku dhaca Ferdinand iyo Carragher ayaa salka ku haya magacaabista halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard oo loo magacaabay macallinka cusub ee Al-Ettifaq.
Qoraalkii ugu dambeeyey ee farriimo taxane ah oo ay is dhaafsanayeen labadan nin, Ferdinand wuxuu yiri: ‘Xaqiiqadu waa…. Waxaad xaqirtay horyaalka/dalka/dhaqanka laakiin waad iska aamustay markii labadaada wiil Stevie/Fowler ay halkaa tageen 10 maalmood kaddib.’
Weeraryahankii hore ee Reds, Robbie Fowler, ayaa sidoo kale shaqo ka helay dalkaasi isagoo tababare u ah kooxda heerka labaad ee Al-Qaadisiyah.
Ferdinand ayaa hore ugu yeeray 45 jirkan inuu arrintan wax ka yiraahdo markii lagu dhawaaqay warka heshiiska Gerrard.
Intii uu ku jiray barnaamijka FIVE, wuxuu yiri: ‘Jamie. Jamie Carragher. Ku aaway ninyahow? Waxaan maqlay hadal badan, diidmo badan oo ku saabsan Sucuudiga. Oh, Bernardo Silva, ma rumaysan karo. Waa ceeb, waxay u baahan tahay baaritaan, horyaalkan, iwm.
Jamie Carragher oo soo jawaabey isagoo is yara difaacaya ayaa sheegay in waloow uu sheegay in aanu jeclayn sida ay Sucuudigu u ”iibsanayaan” kubaddii misna marna aanu dhaliilin aadista halkaasi ee Silva, [Karim] Benzema, [Ruben] Neves ama SG, balse waxaa uu Rio ku eedeeyey nin aan dhaliili karin sayidyadiisa.

Hadalsame Media