“Maxay ahayd qoladii kacbada weerartay, xujayda xasuuqday, Xajarul-aswadkana qaadatay?”

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2023 – QISADII AL-QARAAMIDHA – “Qoladii Kacbada weerartay, xujayda xasuuqday, Xajarul-Aswadkana qaadatay”

Waxay ka mid ahayd dariiqooyinka Islaamka kuwa ugu dilka iyo dhiig daadinta badan. Waa firqo iyadu ka faquuqantay dawladdii Faadhimiyiinta, waxana saldhig u ahaa Al-Axsaa’ oo iminka dhacday bariga Sacuudiga.

Qaraamidhadu waxa ay markii hore ka tirsanaan jireen dariiqadii Ismaaciiliyada Shiicada, hase yeeshee markii dambe waa ay ka bexeen oo waxa ay diideen imaamnimadii Cubeydillaahi Al-Mahdi, waxana ay bannaysteen dhiigga qolooyinkii kale ee Islaamka ahaa ee ay iska soo horjeedaan, waxana ay cabsi xoog leh ka abuureen Basra, Kuufa iyo dhulka ku teedsan.

Qaraamidhadu waxa ay weerari jireen daafyaha Makka, waxana ay boobi jireen oo dhici jireen xujaydii Ciraaq iyo Suuriya ka iman jirtay. Waxa markaas sanadba sanadka ka dambeeya sii yaraanayay tirada xujaydii xajka iman jirtay, cabsi Qaraamidhada laga qabay awgeed.

Sanadkii 317 Hijrada culumo badan oo Islaam ah baa fatwootay in xajku aanu ansax ahayn si nafta iyo sharafta dadka loo badbaadiyo.

Musiibadii ugu weynayd waxa ay dhacday isla sanadkaas keddib markii Sulaymaan bin Abii-Saciid Al-Jannaabi oo Abuu-Dhaahir Al-Qirmidhi ku magac dheeraa uu go’aansaday in aanu ku ekaan in uu xujayda jidka u galo, balse Makka ayuu si toos ah u weeraray Xajkii oo lagu guda jiro, se gebagebo ah. Waxa markaas ku soo baxay waaligii Makka Ibnu Maxlab iyo odayaal reer Makka ah si ay u qaabbilaan Abuu-Dhaahir, uguna qanciyaan in uu magaalada barakaysan ka fogaado. Hase yeeshee, ciidankii Abuu-Dhaahir baa waaligii iyo intii la socotay dhegta dhiigga u daray.

Keddib, Abuu-Dhaahir iyo ciidankiisii waxa ay usoo ruqaansadeen gudihii Xaramka, inta ay galeen bayna billaabeen dadkii ku jiray inay madaxyada ka guraan.

Abuu-Dhaahir kolka ciidankiisu ay xujayda xasuuqayeen, inta uu Xaramka albaabkiisa fariistay, ayuu tix gabay ku qaylinayay isaga oo leh: “Aniga iyo Alle isku mid baannu nahay .. isaguna waa abuuraa anna waan laayaa”.

أنا بالله، وبالله أنا
يخلق الخلق، وأفنيهم أنا

Waxa ay qof kasta oo dhaqaaqa qudha uga jarayeen Xaramka dhexdiisa, jidadka, luuqyada iyo magaalada Makka meel kasta oo ka mid ah, heer beledkii xurmada lahaa uu meydku buuxiyay.

Intaas keliya kuma ekaan eh, maradii Kacbada ku dednayd buu ka fiiqday, albaabkiina waa uu kala baxay. Dhagaxii madoobaa (Xajarul Aswad) waxa uu amar ku bixiyay in la soo tujiyo. Nin baa inta uu burris qaatay, ku garaacay isaga oo leh: “Aaway shimbirihii koox kooxda u socday? Aaway dhagxaantii dhoobada adag ka samaysnayd?”

‎أين الطير الأبابيل؟ أين الحجارة من سجيل؟

Dhagaxii inta ay la bexeen bay dhulkii ay kasoo duullaan tageen u qaateen.

Waxa uu maalintaas dilay dad lagu qiyaasay 30 kun oo isugu jira xujay iyo dadkii Makka degganaa. Waxa uu furtay sahaydii ay xujaydu wadatay. Sidoo kale waxa uu u dhacay dadkii deegaanka oo uu ka furtay dhammaan wixii uu horay usii qaadan karay. Waxa kale oo uu horay usii kaxaysay dumar iyo carruur intii uu doonay.

Dadkii meydkooda qaar ceelka Zamzam ayuu ku guray, qaarna Kacbada dhexdeeda ayaa lagu aasay, iyada oo aan la mayrin oo aan la kafanin.

Qaraamidhadu waxa ay Xajarul Aswadka haysteen labaatan iyo laba sano. Waxa ay qabsadeen Cumaan, waxana ay si joogto ah u weerari jireen Basra iyo Kuufa.

Cabbaasiyiintii waa ay awoodi waayeen inay xadgudubyada Qaraamidhada tallaabo ka qaadaan, waxana ay go’aansadeen in ay kula gorgortamaan inay iyagu (Cabbaasiyiintu) ay Qaraamidhada siiyaan dahab fidyo ah, hase yeeshee Qaraamidhadu waa ay diideen. Sidoo kale waxa isaguna 50 kun oo diinnaar kula gorgortamay amiir Turki ah, si dhagaxa meeshiisii loogu celiyo.

Ibnu Kathiir waxa uu leeyahay: “Markii lacagta fidyada ah loo geeyay waxa ay dheheen: Annagu dhagaxa amar baannu ku qaadnay, haddana ciddii amarka ina siisay amarkeeda ayaannu ku soo celinnay. Kuufa oo Cabbaasiyiintu ka talinayeen minaaradaha masjidkeeda weyn mid kamid ah bay sureen”. Markaas keddib baa Makka loo soo qaaday oo halkiisii lagu celiyay, keddib 22 sano oo uu Baxrayn yaallay.

Ugu dambayntii, awoodda dhaqdhaqaaqii Qaraamidhadu waa uu tabar darreeyay keddib markii ay dhexdooda isku dhacyo iyo dagaallo hareeyeen. Waxa kale oo ay dagaal la galeen Faadhimiyiintii, qaar iyaga ka mid ahina waxa ay u guureen xaggaas iyo Iiraan.

Bartamihii qarnigii shanaad ee jihrada Cuwayniyiintii iyo qaar ka mid ah qabiilladii carbeed ee Cabbaasiyiinta raacsanaa iyo weliba Salaajiqadii Turkida ahayd baa jab aan laga soo waaqsan ku riday Qaraamidhadii, waxana ay ka saareen gobolka Al-Axsaa’ iyo Baxrayn keddib ku dhowaad laba qarni oo ay Qaraamidhadu bannaysteen dhiigga, hantida iyo sharafta muslimiinta.

W; Q: Sabriye Muuse

Hadalsame Media